Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa wakiilshadii kala noqday saddex qareen oo doodayey kiiska loo heysto, kadib qoraal uu u u diray Maxkamadda rafcaanka G/banaadir iyo Qareenada.
Qoraalkan uu siyaasiga C/raxmaan C/shakuur kalsoonida wakiilashada ugala noqday qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, C/kariin Maxamed Axmed iyo Aamina Xaaji Axmed oo maanta soo baxay ayaa keenay in maxkamadda rafcaanka ay qareenada u sheegto inaysan dsifaaci karin C/raxmaan C/shakuur.
Kalsooni darro weyn ayaa soo foodsaartay Siyaasiga eedeysan ee C/raxmmaan C/shakuur, waxaan dibn loo dhigay maxkamadeyntii maanta iyadoo aan la ogeyn inuu qareeno cusub qabsan doono iyo inuu isagu is difaaci doono.
HOOS KA AKHRI QORAALKA


![C/raxmaan C/shakuur oo wakiilnimadii kala noqday Qareenadii u dooday & Xaalad cusub oo taagan [Akhriso]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/12/Abdirahman-A.-Warsame.jpg)