Wariyayaasha ka howgala magaalada Muqdisho ayaa maanta ayaa ka carooday, kana laabtay kulan lagu xusayay maalinta Yurub oo ka dhacayay xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii lagu qasbay inuu baaro Eey tababarran oo ka mid Eeyaha AMISOM adeegsadaan.
Wariyayaasha oo diiday in Eygaasi baaritaan ku sameeyo iyaga iyo qalabkooda ayaa isaga goobta, iyadoo ciidamada AMISOM iyana ku adkeysteen in go’aankooda.
Ciidamada AMISOM ayay caado u noqotay inay adeegsadaan Eeyaha wax baara taasoo keentay inay isku dhacaan dadka doonaya inay gudaha Xalane gaareen iyo ciidamada AMISOM. Weriyeyaasha yaa sheegay in Eeyaha dhareerka ka da’aya aad yaabeyso ay diideen inay baaraan iyaga iyo qalabkooda, kadibna dib uga laabteen xafladii looga yeeray.
Arrintan oo saxafiyiinta Muqdisho caqabad ku noqotay ayay hore ugala hadleen Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo laftiisa muslim ah, kaasoo sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda, hase yeeshee dhibaatadii ay weli taagan tahay.
Halkan hoose ka dhageyso warbixinta Radio SBC:
Wadani,com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]