Ehelka maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa shaaciyey war cusub oo ku saabsan geerida maxbuuska Xasan Maxamuud Rooyaaye.
Shariif Cali Muuse oo adeer u ah wiilka Xabsiga ku dhintay ayaa u sheegay in marxuumka uu muddo 8 Sano ku qaadanayey Xabsiga kadib markii Maxkamad ku xukuntay, isagoo lix sano soo dhameystayna lagu dilay xabsiga. Wuxuuna dalbaday in dowladda ay caddaaladda la horkeento cidda dishay wiilkooda.
Wuxuu sheegay in geeridiisa maxbuuska ay ka dhalatay kaddib markii Maxaabiis Kubad wada ciyaareysay uu dagaal dhex maray isaguna ka mid ahaa dadkii dagaalkaasi ku jiray, kadibna saraakiisha Xabsiga ay ku xireen Konteenar oo uu sidaasi ku geeriyooday.
Maxbuuska Adeerkii ayaa ku doodaya in maxabuuska isagoo miyiga ka yimid lagu qabtay Degmada Howlwadaag laguna eedeeyay Al-shabaabnimo, kadibna askarigii ka dalbaday lacag, balse reerkooda u sheegeen inaysan heyn lacagta uu askariga ka doonayo, taasoo kadibna Maxamad la geeyay ay ku xukuntay 8 Sano oo xabsi ah.
Dowladda Federaalka ah ayuu ka dalbaday inay caddaaladda horgeyso Saraakiisha wiilkooda konteenarka ku xiray ee dilay.