Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Eng. Yariisow, Adeege Bulsho oo Ma Nooge ah. [Qormo uu diyaariyey Yuusuf Garaad]

    Eng. Yariisow, Adeege Bulsho oo Ma Nooge ah. [Qormo uu diyaariyey Yuusuf Garaad]

    August 4, 2019Updated:August 5, 20198 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Eng. Cabdiraxmaan – Yariisow ayaan maanta soo aasnay. Waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhaba ka soo amba baxday. 

    Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isugu dhoweyn, xog wadaag ahayn, marxalado kala duwanna aan soo wada marnay, ha noqoto wanaag, istaageerid iyo wadatashi dhexdeenna ah. Sidoo kale ha noqoto isku tashi in ninba ninka kale uu ku tashado xag kasta iyo xilli kasta. 

    In kasta oo muddadii uu Duqa magaalada ahaa uu xiriirkeenna habac galay, haddana waxaan mar walba ahayn saaxiibbo isu dhow, waxaanna ku faraxsan ahay in kelmaddii ugu dambeysay ee aan u qoro ay ahayd Guuleyso, taas oo ahayd mid iga niyad ah.

    Qoraal iyo laba kuma soo koobi karo dhacdooyinka faraha badan ee waayaha wanaagsan iyo kuwa adag ee aan Eng. Yariisow iska kaashannay nolosha siiba xag xirfadeed iyo xagga danta guud ee Dalkeenna. Waxaan isku dayayaa bal in aan sawir guud ka bixiyo qofka uu ahaa Yariisow iyo xiriirka naga dhexeeyay.

    Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in markii u horreysay aan isku aragnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane dabayaaqadii sannadkii 1981. Jaamacadda oo sannad ka dib noo billaabatay ayuu ka billowday xiriir saaxiibtinnimo guud ah.

    Jaamacadda waxaan ku xuustaa in uu ahaa nin jecel kuna wanaagsan kubbadda cagta, kana mid ah Guddiyada ardayda ee cayaaraha qaban qaabiya. Markii dambe ee uu yara cuslaaday wuxuu Sportigiisu inta badan ku soo koobmay daawashada kubbadda cagta iyo cayaaridda boojada miiska ama billiardi.

    Horaantii sagaashanaadkii ayaan magaalada London dib isugu aragnay, aan ogaannay in aan deris nahay, iyada oo amniga iyo siyaasadda dalku ay marayaan meel aad u xasaasi ah.

    Eng. Yariisow waxaan noqonnay rafiiq dhow oo shaqada iyo guryahaba si joogta ah isugu booqda, isla markaasna wadajir u soo booqda saaxiibbo aan wadaagno ama midkeen u gaar ah annaga oo isla baabuur fuushan inta bandanna uu kiisa yahay.

    Wakhtiyo kale gaarigeyga ama mid kira ah ayaan  ku safarnay xaafadaha kala fogfog ee bartanka London iyo jihooyinkeedaba, Gobollada Ingiriiska iyo waliba dalal dibadda ah sida Belgium, France, Holland iyo Germany oo aan u tagnay saaxiibbo salaam ama tamashle.

    Sidoo kale waxaan munaasabado badan uga wada qeyb galnay rafiiq dhowna aan ku ahayn Xamar iyo Nairobi.

    Xagga maamulka oo aan uga horreeyay darteed, waxaan talo madax bannaan dhowr jeer ka siiyay howlo uu igala tashaday mar tartan uu ku guuleystay u galay in uu noqdo horjooge iyo ka dib arrimo maamul oo soo food saaray.

    Eng. Yariisow, wuxuu ahaa nin dadaal badan, ma nooge ah, dad isku wad leh siiba marka ay noqoto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, jecelna in uu u adeego bulshada.

    Wuxuu ahaa nin si naxariis iyo dabacsanaan leh isugu daya in uu dadka ka fikirka duwan ula doodo.

    Dad aan daliil u hayn ayaan hadda ka hor arkay oo ku eedeynaya in uu qeyb ka ahaa urur magac qabiil ugu ololeeya mid ka mid ah shanta beelood ee siyaasadda loo qeybsado.

    Ka sokow in aan u qabo in aan ururkaasi jirin, waxaan hubaa in ay yihiin dad aan aqoon Yariisow. Waxaan markhaati u qabsanayaa inta taqaan Yariisow in ay og tahay in aanuu ahayn nin qabiil.

    Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed ee sidaa ku eedeyay in ay haddii ay ka dhab ka ahayd oo ay sidaa rumeysnaayeen ay ka qancaan, haddii ay ku-jiq-siin ula jeedeenna ay Rabbi ka baryaan in uu cafiyo, kana waantoobaan in ay u bareeraan in ay isku dayaan in ay dhaamaan sumcadda iyo sharafka muwaaddin Soomaaliyeed.

    Cabdiraxmaan marxalado badan oo dalku soo maray annaga ayaa si aad ah siyaasadda uga sheekeysannay ugana doodnay, waanan ka warqabaa in badan oo ka mid ah mowqifkiisa, damaciisii iyo dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed si la mid ah sida uu isaguba uga warqabay kuweyga.

    Haa, Cabdiraxmaan waa noqday af Hayeenka Mudane Muuse Suudi Yalaxow oo markaa ahaa Hoggaamiye Kooxeed. Saaxxiibada qaar way ka gaabsadeen berigaas, aniguse waan kula socday. Ma aqaan sida uu ku noqday afhayeen laakiin durba waa uu iska casilay.

    Sidoo kale, Haa, qeyb waliba firfircoon wuu ka ahaa ololihii afka ahaa ee looga soo horjeeday arrinkii khilaafka weyn iyo waliba dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ka dhex dhaliyay Soomaalida ee ahaa ku faafiddii ay ciidammada Ethiopia dalkeenna ku galeen usbuucii ugu dambeeyay 2006, soona gaareen caasimaddeenna.

    Eng. Yariisow wuxuu ahaa nin Qaran.

    Wuxuu taageeray, qaarkoodna ka mid noqday dhammaan Dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 marka laga reebo 2008 iyo 2009.

    Nin kasta oo saaxiib dhow u ahaa Eng. Yariisow, ama ay wada shaqeeyeen wuxuu markhaati ka yahay in uu ahaa nin afkiisa laga ammaan helo, akhlaaq wanaagsan,

    ah reer magaal, bulshay ah oo sheeko iyo qosol jecel.

    Wuxuu ahaa nin marka la sheekeynayo ama la doodayo rogroga arrinka, wax ka eega dhinaca wanaagsan, qaatana mowqif maangal ah. Weligay kuma arag isaga oo ku dheggan mowqif aanuu sababeyn aqoon.

    Wuxuu ahaa oo kale nin Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya jecel kana shaqeeya. Ilaa uu naftiisa u huray. Ma adeegsanayo ku waayay naftiisa ee waxaan adeegsanayaa u huray naftiisa, maaddaama isaga oo aan ku khasbaneyn, ogna khatarta taalla Muqdisho, uu ka shaqeynayay dhowr iyo toban sano.

    Aniga wuxuu muddo dheer ii ahaa saaxiib aan ku tashado isna igu tashada.

    Qaraxii 14-oktoobr 2017, inkasta oo annagu aynaan ahayn bartilmaameed, haddana waxaan fadhinnay shir ka socday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu qaraxu aad u saameeyay. Ku dhowaad labaatan ruux oo saddex ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirrada inta kalena ay Agaasimayaal yihiin ayaan ahayn.

    Eng. Yariisow waan is garab fadhinnay. Kursiga ayaa gadaal ula dhacay. Laakiin nasiib wanaag waxba ma ay gaarin. Markiiba waxaan lug ku tagnay xero militeri ka dibna waxaa nala siiyay ciidan iyo gaari. Maaddaama uu dhiig iga da’ayay oo aan ka baqayay in reerkeygu ay sawirro ku arkaan saxaafadda, waxaan markiiba wacay xaaskeyga iyo carruurteyda. Laakiin Yariisow wuxuu wacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen inta yar ee aan markaa ogeyn.

    Dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa uu ka soo guuray London, waa ay yar tahay munaasabad aan habeen tegey ama labada maalmood ee wiiktirka ah ee shaqada laga nasto oo aynaan Yariisow is raacin. Xataa munaasabadaheyga shaqada ee u furan saaxiibbada waan isu raaci jirnay.

    Maaddaama aan ka xiriir badnaa inta aan isagu siyaasadda gelin, Eng. Yariisow waxaan ku xiray saaxiibbo aad u tiro badan oo ah xagga siyaasadda, sidoo kale ganacsiga, aqoonyahannada qurbaha iyo saxaafadda ah oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira.

    Xagga siyaasadda waxaan xusuustaa mar xilligii Madaxweyne Shariif uu igu wargeliyay in culeys uu dareemayo awgiis uu ka fekerayo in uu dalka ka baxo oo in muddo ah uu ka soo nasto. Laakiin markii uu iiga warramay kulankii uu Madaxweynaha la qaatay waxaan kula taliyay in aanuu dalka ka bixin isaga oo aan arag Madaxweynaha.

    Muddo ka dibna wuxuu ka mid noqday Golaha Wasiirrada.

    Muddadaa dheer ee aan Yariisow sida dhow rafiiqa u ahayn, marna ma arag isaga oo ka shaqeynaya shirqool iuo dibindaabyo. Ma arag isaga oo ka qeyb qaadanaya lug gooyada muwaaddin kale.

    Danjire Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen Yariisow ayaa maanta annaga oo qabriga wada dultaagan wuxuu igu yiri, Yariisow haddii hal sifo laga baran karo waa Dulqaadka.

    Eng. Yariisow, waa halyeey dalkiisa si nadiif ah ugu soo shaqeeyay ilaa dhibicda dhiiggiisa u dambeysay. Ka sokow adeeggiisa sannadaha badan, wuxuu qalbiyada saaxiibbadiis, inta Soomaalinnimada jecel iyo inta naxariisi ku beeran tahay qalbiyadooda uu ku hantay in Qarax lagu dilay isaga oo jooga xafiiskiisa, in badan oo ay wada shaqeynayeenna ay la dhinteen qaar badanina ay dhaawac yihiin. Iyada oo dilkaas ay geysteen qaar ka mid ah bulshada uu adeegayay.

    Taas ayaa sababtay in geeridiisa ay quluubta Soomaalida wada taabatay. Madaxweynaha Koofur -Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay ay soo wadashaqeeyeen madxna ka ah Gobol uu Yariisow wax ku lahaa, waxaan shalay ka soo wada duulnay Baydhaba si uu uga qeyb galo aaska.

    Wuxuu ii sheegay Maayga in aan tan oo kale la dhihin Tacsi ee loo yaqaan Ooysin.

    Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigiisu yahay Hargeysa waxay shucuurtiisu ka tallaabtay soohdinta siyaasadda is diiddan wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Eng. Yariisow.

    Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu geerida Duqa Caasimadda uu uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    Walaal kasta oo qormadan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu Eng. Yariisow u baryo in Ilaaheey Jannada ugu bishaareeyo isaga iyo hwolwadeennadii Gobolka ee isku goobta lagu weeraray.  Sidoo kale waxaan codsanayaa in aan u duceyno dhammaan Soomaalida iyaga oo Qarankeenna u adeegaya gaadmada lagu dilay, iyo kuwa difaaciisa ku dhintay hadda iyo had horeba. Walaalaha gudanaya waajibaadka Xajka, si gooni ah ayaan codsigan ugu soo jeedinayaa.

    Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, xaqna aan ugu leennahay in ay sameyso baaritaan biyo kama dhibcaan ah. Bulshadana ay u soo bandhigto natiijo si aan leexleexad lahayn u abbaarta ugana jawaabta weydiin kasta oo  hadda la qabo iyo mid kasta oo la qabi karo.

    Sidoo kale, waxaan Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in adeeg ama goob dadweyne loogu magacdaro Eng. Yariisow, si ay astaan ugu noqoto sooyaalkiisa wanaagsan ee adeegga dadweynaha una adkeyso niyadda inta u damqatay.

    Bulshada Muqdisho ku nool iyo Dowladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tani fure u noqoto in si dhab ah oo xaldoon ah aan wadajir isu weydiinno muhiimadda koowaadna aan siinno su’aasha ah – sideen nabadgelyo ugu noolaannaa caasimaddeenna?

    W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

    Aaska Yariisow C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Geerida Yariisow Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Kacaanka Iiraan oo qabsaday Markab Shidaal, War yaab lehna kasoo saaray
    Next Article Akhriso: Maalmaha Ciidul Adxaa ee laga Ciidayo Dalalka Carabta oo la shaaciyey.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo