Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Faadumo Korneyl: Qisada Basaasad ay Alshabaab ka dhex qorteen shaqaalaha G/Banadir oo fulisay Shirqoolo badan [Akhriso]

    Faadumo Korneyl: Qisada Basaasad ay Alshabaab ka dhex qorteen shaqaalaha G/Banadir oo fulisay Shirqoolo badan [Akhriso]

    January 1, 2020Updated:January 2, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Haweenka lagu helay inay la shaqeeyaan Alshabaab waxaa ugu danbeysay Faadumo Xuseen Cali Caddaawe oo maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

    Haweeneydan waxay ahayd shaqaale ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Hooyooyinka Qaranka, waxaana Alshabaab ay ku guuleysteen inay ku qanciyaan inay u noqoto basaasad la shaqeysa oo uga soo waranto xarumaha maamulka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir dhaqdhaqaaqa ka socda, iyagoo hoos tegi jirtay madaxii howlgallada Alshabaab ee G/Banaadir Axmed Maxamed Xaaji (Ilka-case) oo isna Dil toogasho ah shalay lagu xukumay.

    Sida u caadada ah Alshabaab Faadumo Xuseen Cali waxay lahayd magacyo afgarasho ah oo ay ka mid yihiin: Faadumo Korneyl iyo Cosobo, waxaana warbixinta hay’adaha ammaanka ka qoreen ay muujineysaa inay tahay 24 sano jir, kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoo uu ururka Alshabaab ku biiriyey Nin ay Eedadeed dhashay C/llaahi Cabdi Biya-maaxo, iyadoo uu Amiir u ahaa eedeysane kale oo shalay la xukumay Saalim Siciid Salmaan.

    Image result for Faadumo Xuseen Cali Caddaawe"
    Faadumo Xuseen Cali – Faadumo Korneyl

    Howsha loo xilsaaray Faadumo Cosobo waxay ahayd inay is tusiso dableyda Khaarijiyeyaasha ah ee Alshabaab ka tirsan iyo dadka ay dilayaan, waxayna qeyb ka ahayd shirqoolo lagu fuliyey saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Mas’uuliyiin kale.

    Wareysi lala yeeshay Faadumo ayey ugu sheegtay baareyaasha kaliya iyada loo diray inay soo ogaato mas’uuliyiinta goobaha ay ka shaqeyso iyo meelaha ay joogaan, kuna wargeliso qeybta ay la shaqeyso, iyadoo adeegsaneysa shaqada ay ka heyso maamulka Gobolka Banaadir.

    Haween aan yareyn ayaa Alshabaab kala shaqeeya howlgallada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho, waxayna Faadumo ka mid tahay kuwa ay suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan ciidamada Amniga ee ugu danbeyn cadaaladda la hor geeyay.

    Alshabaab Cosobo Faadumo Korneyl Haweeney Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo Dalab adag hordhigay hogaamiyaha Ahlu Suna & sXildhibaanadii Ahlu Suna soo xushay oo..
    Next Article Wasiir Maareeye oo Eedeyn u jeediyey Hay’adaha Bisha Cas ee Soomaaliyeed & Laanqeyrta Cas ee Adduunka (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo