Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wasiir Maareeye oo Eedeyn u jeediyey Hay’adaha Bisha Cas ee Soomaaliyeed & Laanqeyrta Cas ee Adduunka (Akhriso)

    Wasiir Maareeye oo Eedeyn u jeediyey Hay’adaha Bisha Cas ee Soomaaliyeed & Laanqeyrta Cas ee Adduunka (Akhriso)

    January 1, 2020Updated:January 1, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya ay simeen argagixisada Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya.

    Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu sheegay in weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ay ICRC iyo SRCS ku tilmaameen Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

    Wasiir Maareeye ayaa intii uu xilka la wareegay si joogto ahu soo saarayey qoraallo kala duwan oo xambaarsan khilaaf kala dhaxeeya hay;ado kala duwan iyo xil ka qaadista agaasimeyaasha wasaaradda, waxaana warkii ugu danbeeyay uu ahaa muran kala dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarahsada iyo Wasiir C/llaahi Goodax Barre.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

    Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.

    Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,

    Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.

    Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.

    Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxa ay dhinaca kale soo dhaweyneysaa War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.

    ICRC Maareeye Qaraxii Ex. Kontrol SRCS
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaadumo Korneyl: Qisada Basaasad ay Alshabaab ka dhex qorteen shaqaalaha G/Banadir oo fulisay Shirqoolo badan [Akhriso]
    Next Article Puntland oo Maxkamad lagu soo taagay Siyaasi caan ah & Odayaal ka hor yimid Madaxweyne Deni & Qorshaha Imaaraadka…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo