Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa toogasho ku dilay oday ganacsade Danyar ahaa, isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.
Falkan naxdinta leh ayaa yimid, kadib markii askari ku hubeysnaa qori AK 47 ah uu isku dayey inuu sigaar ka iibsado ninka odayga ah oo Miis yar oo ganacsi ku heystay halkaasi, laakiin lacagta uu watay oo ahayd 2000 Shilin Somali oo ahayd kuwo jeexjeexan ayaa dhaliyey muran keenay inuu askarigii xabbad madaxa uga dhufto ganacsade Cumar oo ahaa Oday da’ ah.
Askariga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana meydka Odayga ku xoomay dad badan oo markii danbe goobta ka qaaday, wuxuuna ahaa nin si weyn looga yaqaan aaggaasi iyo degmada Xamarjajab.
Dadweyne isu soo baxay ayaa halkaasi bannaabax ka dhigay, iyagoo ka careysan dilkaasi. Guddoomiye ku xigeenka AMniga ee G/Banaadir oo goobta marayey xilligaasi ayaa qabtay dembiilaha, waxaana lagu xiray saldhigga Booliska Xamarjajab.

Ciidamada dowladda ayaa dadka shacabka ah u dila si macno darro ah, waxaana weli dowladu ku guuleysan weyday inay dhisto asluubta ciidamada oo mushaar ahaan u qaata canshuurta shacabka laga qaado.