Weerarro Qaraxyo isku waqti dhacay oo loo adeegsaday Bam Gacmeedyo ayaa caawa lagu qaadyao toban xarun degmo iyo xarumo Waaxeed oo ka tirsan Gobolka Banadir.
Qaraxyo ayaa mar qura laga maqlay caasimadda Soomaaliya kuwaasoo si aad loo qorsheeyay, waana markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo beegsadao xarumaha maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xaaladda magaalada ay kacsan tahay, isla markana ciidamo fara badna lagu soo daadiyey wadooyinka.
Xarumaha la weerarray waxay kala yihiin:
Degmada Dharkeynley – Xarunta
Degmada Waaberi – xarunta
Degmada Wadajir – xarunta
Degmada Boondheere – Waaxda Siinay
Degmada Dayniile – Waaxda Kor-damac
Boondheere – Xarunta
Degmada Yaaqshiid – waaxda Horseed
Degmada Kaaraan – xarunta –
Degmada Kaaraan -Waaxda Nageyle
Degmada Shibis – Waaxda Caslow Dheere
Xarunta maamulka degaanka Garasbaaley
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Qaasim ayaa sheegay n weerarrada caawa dhacay ay la fuliyey xilli isku mid ah, iyadoo la qabtay laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay fuliyeen qaar ka mida qaraxyada, wuxuuna intaasi ku daray in qaraxyada ku dhaawcameen 4 qof oo midkood uu yahay askari.