Ciidamo ka dowladda Soomaaliya ee Booliska iyo Milateriga ayaa maanta ku dagaalamay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyado ay weli isku hor fadhiyaan halkaasi.
Labada ciidan oo isu heystay Dhul muran ka taagnaa ayaa ayaa dagaalkoodu qarxay markii dhisme lagu bilaabay dhulka oo ku yaalla Warshada Cadde-caede agagaarka Barxadda Geella ee degmada Kaaraan, waxaana rasaasta ku dhintay laba qof oo shacab ah sida ay sheegeen dadka degaanka.
Dhulka ay xiisadu ka kacday ayaa la sheegay in muddo la isku heystay oo dacwad ka taagneyd, iyadoo aan xal aga gaarina ay saaka dhisme ku bilaabeen dhinac kamida dadkii isku heystay, taasoo keenay inay ku dagaalaman ciidamo milateri ah oo gurmad u tegay halkaasi iyo ciidamo boolis ah arrinta ku jiray.

Ciidamada dowladda ayaa qaab beeleed u abaabulan waxayna si joogto qeyb uga noqdaan dagaallada iy iska hor imaadyada ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin muranka dhulka.