Dadka degaanka iyo ehelkiisa ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay xalay saqdii dhexe kadib Gurigiisa ugu dhaceen oo la baxeen nabadoon caan ka ah beelaha Muqdisho.
Nabadoonka oo lagu magacaabo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa hore u ahaa afhayeenka odayashii dhaqanka Beelaha Hawiye ee la dhisay xilligii ciidamada Itoobiya ay dagaalka ka wadeen magaalada Muqdisho, iyadoo muddooyinkii danbe uu ahaa qof iska caadi ah oo aan wax siyaasad ah ku howlaneyn.
Ciidamada dowlada oo baaritaanno ka waday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa xalay Gurigiisa ka kaxeystay nabadoon C/llaahi Dheere, iyadoo aan la ogeyn sababta loo kaxeysatay iyo halka ay la aadeen ciidamadaasi.
Waxaa la xusuustaa in Nabadoon Cabdullaahi Dhere iyo Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye Cali ay hore u xireen Ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho ku soo duulay sanadkii 2006.
Hay’adaha Amniga dowladda ayaan wax faahfaahin ah ka bixin arrintan, iyadoo ehelkiisa ay baadi goobayaan.