Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal maanta degaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ku dhex maray maleeshiyada degaankaasi ee Macawisleyda iyo ciidamada Booliska.
Dagaalka ayaa yimid markii ay ciidamo Boolis ah, hakaasi tageen iyagoo la wareegay Qaad laga keenay dalka Kenya oo xeebta Jazeera laga soo dejiyey, taasoo keentay inuu iska hor imaad dhex maro ciidamada maleeshiyada iyo Booliska.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka labada dhinac ay ku dhawacmeen laba maleeshiyo, halka Gaari ay wateen ciidamada Booliska lagu gubay, waxaana halkaasi gurmad ku tegay ciidamo hor leh oo ka baxay saldhigga Turkiga iyo magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada ayaa dib ugu gurtay degaanka Gendershe, waxayna wararku sheegayaan in ciidamo gurmad ahaa iyo ciidamadii Booliska ay rasaas si khalad ah u dhex martay, iyadoo xaaladu markii danbe ay qabowday.
Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa dagaal xoog leh ku wada ka hortagga Qaadka ka yimaada Kenya ee laga soo dejiyo xeebaha Muqdisho ku dhow, iyadoo Booliska iyo NISA ay Qaadkaasi la dagaalamaan, halka ciidamo ka tiran Milateriga ay difaacaan qaadkaasi.
