Faahfaahin ayaa laga helayaa dil maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo koox hubeysan ay ku dileen nin oday ah oo ku sugnaa qeybta Cabdulla shideeyaha.
Laba dabley oo bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay Odayga, iyadoo dhaawac halis ah oo soo gaaray uu kadib u geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay, sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa.
Wararka qaar ayaa sheegay in Ninka Odayga ah ee la dilay uu ahaa nabadoon kasoo jeeda K/Galbeed oo ka mida ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kusoo doortay Magaalada Baydhabo.
Dilka ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo 24 saac gudahood ah magaalada Muqdisho lagu dilo odayaal ka tirsanaa ergadii soo dooratay Baarlamaanka Federaalka, waxaana sii xoogeysnaya falalka dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka socda.