Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax culus lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka magaalada Muqdisho.
Saddex askari iyo qof shacab ahaa ku dhintay Qaraxa oo haleelay Gaari nooca Landcruzer (Cabdi bille) ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka duwan kuwa NISA ee Alpha Group, qaraxaasi oo ka dhacay degaanka Waydoow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa ka yimid Gobolka Sh/hoose, waxaana rasaa furay ciidamada dowladda iyadoo laga cabsi qabo inay rasaastaasi waxyeello gaarsiisay dadka goobta ka ag dhowaa, waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamo kale oo qaaday meydkii iyo dhaawacyadii ciidamada la qarxiyey.