Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo kuwa yaryar ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb e Gobolka Galgaduud, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Ahlu suna ee halkaas ku sugnaa iyo ciidamo uu watay sarkaal hore ugu biiray Ahlu suna oo ka goostay ciidamada Milateriga ee ku sugnaa Cadaado.
Dagaalka oo xalay bilowday ayaa saaka si weyn u qarxay ayaa dhaliyay qasaare balaaran iyo dadkii oo ka qaxaya magaalada, waxaana magaalada u qeybsantay laba dhinac oo kooxaha dagaalamaya ay kala heystaan. Dadka dhintay ayaa gaaraya 10 ruux, iyadoo dhaawacu ka badan yahay .
Sarkaalka la dagaalamaya maleeshiyada Ahlu suna ee Liibaan Madaxweyne ayaa wararku sheegayaan inuu diiday amar ka soo baxay Ahlu suna oo ahaa inuu wareejiyo hubkiisa, waxaana xiisad arrintaasi ka dhalatay ay isu bedeshay dagaal.
Dadka magaalada ayaa ku waramaya dad shacab ah oo ku dhintay, dhaawac fara badan iyo qax balaaran oo ka socda magaalada Dhuusmareeb.
Wadani.com