Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dil loo geystay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasoo nin ilaale u ahaa.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu toogasho ku dilay nin ilaalo u ahaa, wuxuuna ahaa sarkaal gobolka u qaabilsan gobolka Gedo Cabdullahi Baxar Cali Shire.
Waxaa lagu dilay tuulada la yiraahdo Likoley ee degaanka Ceel-cadde, Gobolka Gedo, waxaana baxsaday dagaalyahanka isla shabaabka ee dilay taliyihiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay uu xiriir la sameeyay dowladda Federaalka, halka warar kale sheegayaan in dilku ahaa mid ku kooban ninka ilaalada u ahaa.
Alshabaab ayaa dhexdooda dilay saraakiil isla kooxda ka tirsan, kadib loolan dhinaca awoodda ah oo dhexdooda ka dhacay, laakiin dilka Cabdullahi Bahar Cali Shire ayaa mugdi weyn ku jiraa cidda ka dambeysay.
Wadani.com