Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Sheekh Caan ahaa.
Koox Bistoolado ku hubeysan xalay magaalada Beledweyne ku dileen Sheekh caana oo ka mida culimada waaweyn ee magaalada. Sheekha la diley ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Iidow Warsame.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in xilliga dilka dhacay uu Sheekha kasoo baxay masjid ku yaalla xaafadda Xaawo Taako ee magaalada B/weyne.
Sheekh Cabdi Iidow ayaa horey usoo noqday guddoomiyaha degmada Buulo-burde ee Hiiraan. Maamulka magaalada B/weyne iyo saraakiisha ammaanka ee magaaladaasi weli wax war ah kasoo saarin dilka Sheekha.