Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil xalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, magaalada Muqdisho, kadib markii dabley hubeysan ay khaarijiyeen laba wiil oo dhalinyaro ahaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dileen labo wiil dhalinyaro ah, mid kalena ku dhaawacay, waxaana labada wiil la sheegay inay lahaayeen xarun Footo iyo Studio oo dadka sawirrada looga qaado, iyadoo magacyadooda lagu soo gaabiyey Ismaaciil iyo Maxamed.
Dableydii dilka geystay ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo muddo kadib ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo wata Gaadiidka dagaalka, waxayna qaaday meydadka labada wiil ee dhalinyarrada ahaa.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in mid kam ida labada wiil ee la dilay ay dhashay Haweeneydii lagu magacaabi jiray Deeqo Dirac ee ku dhex geeriyootay Xabsiga dhexe ee Muqdisho iyadoo ku xukuman xabsi 15-sano oo Xabsi ah oo ka dhashay inay gacan siin jirtaty dableyda Alshabaab, hubkana u heyn jirtay.