Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qarax maanta haleelay Gaari ay dad shacab ah la socdeen oo ku bas beelay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino wadadda la dhigay ayaa qabsaday Gaari yar oo ka yimid degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana la socday gaariga shan qof oo isgu jiray Darawalka iyo 4 qof oo kale oo dhammaantood shacab ahaa, waxaana ka mid ahaa haweeney iyo laba dhalinyaro oo Muqdisho degan oo laba a mida ay aroos cusub ahaayeen markaasina ay si masaafo ah isku soo mehersadeen.
Ehelada Darawalka Gaariga oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Garaar ayaa sheegay inuu duhurtii kasoo baxay Wanlaweyn, kuna soo jeeday Muqdisho, iyadoo uu qaraxa ku haleelay degaanka Xaawo Cabdi, waxayna wararku sheegeen in Gaari Cabdi-bille ah oo ciidan uu ka horeeyay, kaasoo loo maleynay in qaraxa lala damacsanaa, balse uu halleelay gaarigan shacabka.
Miinada ayaa Gaariga yar ka dhigtay mid bas beelay oo dadkii la socday ay dhammaantood geeriyoodeen qaarkoodna la aqoonsan waayey, waxaana qarax uu dhaawac gaarsiiyey dad kale oo gooobta ka dhowaa.