Dabley hubeysan ayaa xalay maqribtii suuq ku yaalla magaalada Muqdisho ku dishay oday ka ganacsan ahaa oo ka mida ganacsatada yaryar.
Ganacsadaha oo ahaa nin oday ah, magaciisana lagu sheegay Hilowle ayaa ka dhacay Suuqa Boocle ee degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa geystay laba dhalinyaro oo dabley ah oo watay bistoolado, iyagoo rasaas badan ku furay, kadibna goobta isaga cararray.
Falka dilka ah kadib ayaa waxaa suuqa gaaray ciidamada Booliska Somaaliya oo aan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii dilkaasi geystay.
Ma cadda sababta loo dilay ganacsadaha danyarta ahaa iyo cidda ka danbeysay, waxaana hore suuqaasi aano loogu dilay ganacsade kale oo Mooska ku iibin jiray.