Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo dad shacab ah ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.
Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka la geliyey waxayna ku qaraxday dad la socday Mooto bajaaj, xilli ay marayeen tuulada Buulo-quute oo hoostagta Degmada Balcad, waxaa qaraxa ku dhintay lix qof oo shacab ah.
Lixda ruux ee dhintay ayaa isugu jira shan rag ah iyo qof haweeneey, sida ay shaaciyeen ciidanka xoogga dalka, qeyta 27 -aad oo maanta howlgallo halkaasi ka saameeyay, iyadoo dadka degaaka ay sheegene in miiinada lay dhigeen kooxda Alshabaab.
Lixda ruux ee qaraxa miinada ku dhintay ayaa waxaa ka mida: Hodan Xasan, Cabdi xukun, Taliye Nuur, Maxamad Rooble iyo Sahra Gacameey. laba ka mida dadka dhintay ayaa lagu sheegay inay wallaalo ahaayeen.
Tuulada maanta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa hore ugu sugnaa oo isaga baxay maleeshiyada Alshabaab, kadib markii ay howlgal ku tageen ciidamada milatariga iyo Ciidamada AMISOM.
