Gaari ayaa ku qarxay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa ee lagu dhejiyo gawaarida, waxaana qaraxa oo dhacay agagaarka Isgoyska Trebuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka dhashay qasaare.
Wararka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen Laba qof, waxaana qaraxa uu saameyn ku yeeshay dadkii marayey wadadda oo dhaawaca uu kasoo gaaray, iyadoo uu ka badbaaday qofkii watay gaariga oo aan la sheegin waxa uu ahaa.
Ciidamada amniga ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo muddohakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana gaariga oo gaaray burbur.
Qaraxyada lagu xiro gawaarida ee lagu khaarijiyo dadka ayaa si weyn u sii kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo ay inta badan sheegato Alshabaab.