Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegyaa inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay caasimadda.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa ahaa is-miidaamin uu qaaday ruux isku xiray waxyaabaha qarxa l, kaasoo isku dhex qarxiyey Maqaayada Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamarjabab, una dhow Dekadda Muqdisho.
Qasaare kala duwan ayaa la sheegay inuu qaraxa dhaliyey, iyadoo maqaayadda la beegsaday xilliga ugu mashquulka badan maqaayadda. Laba qof iyo qofkii is-miidaamiyaha ahaa ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana u dhaawacmay dhowr qof oo kale.