Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax loo qof is-miidaamiye ah uu ka dhacay caasimadda.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu qaaday ruuxa is-miidaamiyaha ah Gaariga ku beegsaday Saldhigga Booliska degmada Waaberi oo ku dhow Isgoyska Dabka, waxaana ka dhashay qasaare kala duwan.
Taliyihii Saldhiga Booliska Waaberi Axmed Baashane ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxa, waxaana jira qaraase dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray Saraakiil iyo Askar ku sugnayd saldhigga.
Ciidamada Amniga ayaa xiray agagaarka Saldhiga Booliska ee degmada Waaberi oo Qaraxu ka dhacay, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu sii kordhayo qasaaraha qaraxa ka dhashay.

La soco wixii soo kordha…
