Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qaraxyo kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo gaari shacab oo BL ah ay ku qaraxday Miino dhulka, lagu aasay, halka gaari lagu xiray miino uu iska ku qarxay Caasimada.
Qaraxa hore ayaa dhacay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxu ahaa miinada dhulka la geliyo, iyadoo ku qaraxday gaari Mini Bus (Caasi)i, waxaana ku dhaawacmay ilaa afar qof, iyadoo ciidamo goobta ka dhowaa la sheegay inay rasaas fureen.
Qarax labaad ayaa qabsaday Gaari yar oo uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada minishiibiyada dowladda hoose ee Muqdisho, wuxuuna gaariga ku qarxay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray sarkaalkii watay gaariga.
Qaraxyadii waaweynaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, sida loo bilaabay howlgalka ciidamada booliska ee bisha April, waxaase weli socda qaraxya miinooyinka kuwa lagu dhejiyo gaadiidka gaarka loo leeyahay ee lagu beegsado mas’uuliyiinta iyo shacabka.