Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ku dhex maray degaanka Dajimaale ee Gobolka Galgaduud, iyadoo khasaaruhu yahay mid weyn.
Dagaalka oo salkiisu yahay dhul la isku heysto waxaa lagu dilay 12 ruux, oo u badan maleeshiyada qaabka beeleed u abaabulan ee dagaalamay, dhaawaca ayaa isna sare u dhaafay 15 qof.
Waxaa soo baxay baaqyo ku socda kooxaha dagaalamaya inay joojiyaan colaadam odayaal ka tirsan labada dhinac ee dagaalku dhex maray ayaa sidoo kale dadaal ugu jira nabadeynta.
Maamulada labada dhinac ayaan weli ka hadlin colaada ka jirta gobolka Mudug. Xaalada ayaa saaka degan iyadoo xiisadii weli taagan tahay.
Wadani.com