Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax weyn oo saaka lala beegsaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale kadib qaraxa is-miidaamin oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole).
Qaraxa ayaa ka dhacay Inta udhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Medina oo u dhow xarunta taliska ciidamada ee Villa Baydhaba.
Dadka dhintay ayaa u badnaa shacab ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askartii la socotay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ee qaraxa loola dan lahaa.
Burbur xoog leh ayaa gaaray goobo ganacsi oo u dhowaa halka qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay gaadiid goobta kula kulmay qaraxa.


