Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta ku soo dhacay xaafad ka tirsan Degmada Wadajir oo ku dhow Garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane ee AMISOM.
Dadka degaanka ayaa sheegay in madaafiic saddex ah oo Hoobiyeyaal ahaa a ku dhacen xaafads Danwadaadaha degmada Wadajir oo ku dhow Xerada Xalane, waxaana la xaqiijiyey inay dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo xaafadahooda ku sugnaa.
Laba qof ayaa ku dhintay, afar kalena waa ku dhaawacmeen madaafiicda, waxaana xaaladda degaanadaasi laga dareemay jugta madaafiicda, xilli ay socotay munaasabadii 1-da Luulyo ee Garoonka Koonis oo ay ku sugnaayeen madaxda dowladda Federaalka.
Maamulka G/Banaadir iyo Hay’adaha Amniga ayaan wax war ah kama aanay soo saarin Madaafiicdan, iyadoo kooxda Alshabaab ay sheegatay.