Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAHFAAHIN: Sida loo qoondeeyay Miisaniyadda 2019 [Madaxooyada & NISA oo ka helay 18.3 Milyan Doolar]

    FAAHFAAHIN: Sida loo qoondeeyay Miisaniyadda 2019 [Madaxooyada & NISA oo ka helay 18.3 Milyan Doolar]

    December 31, 2018Updated:December 31, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad maaliyadeedka ka bilaabmaya 1-da Janaayo 2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December, 2019-ka. Waxaa Xeerka Dhaqan-Gelinta Miisaaniyadda la hor geynayaa maanta Golaha Aqalka Sare, oo isu diyaarinaya inuu ka doodo, kadibna meel mariyo isla maanta ama berri.

    Haddaba, warbaahinta Kalfadhi ayaa kuu soo koobeysa illaha laga filayo dakhliga miisaaniyadda,  qoondada xafiisyada dowladda iyo deeqaha.

    Miisaaniyadda 2019-Ka

    Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay 274.6 Milyan oo doolar.

    Waxay miisaaniyadan ku dhisan tahay laba dakhli oo kala ah midka gudaha ee ah canshuuraha kala duwan ee ay dowladdu qaaddo iyo dakhliga ka yimaada deeqaha la siiyo dowladda.

    Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo 55.8%, guud ahaan wadarta miisaaniyadda, halka deeqaha la filaayo ay miisaaniyadda ka noqon doonaan 44.2%.

    Dakhliga gudaha waxa uu ka imaanayaa canshuuraha kala duwan ee ay dowladda soo ururiso sida canshuurta dakhliga iyo faa’iidooyinka, canshuurta faa’iidada ganacsiga iyo canshuurta adeegga iyo agabka.

    Deeqaha dibadda waxay noqonayaan kaalmada hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo deeqaha dalalka saaxiibadda la ah Soomaaliya sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

    Qoondada Miisaaniyadeed ee Xafiisyada Dowladda

    Hay’adaha adeegga maamulka oo ka kooban xafiisyo dowladeed oo dhowr ah sida maxkamado, wasaarado, safaarado iyo guddiyo kala duwan ayaa looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadka soo socda lacag dhan $135,204,188, waxaana kamid ah hay’adaha adeegga maamulka:

    1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587.

    2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630

    3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481.

    4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312

    5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520

    5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000

    6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432

    Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah:

    1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780

    2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452

    3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680

    4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336

    5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000

    Hay’adaha adeegga dhaqaalaha oo ka kooban wasaarado iyo hay’addo horumarineed waxay miisaaniyadda ku leeyihiin dakhli dhan $24,203,206, Waxaana hay’adahaas kamid ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Dekadda Xamar iyo Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed.

    Adeegga Bulshadda waxaa miisaaniyadda looga qorsheeyay lacag dhan $23,119,231. Waxaa lacagtan loo gaar-yeelay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga iyo Dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweeenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha.

    Waxaa kale oo qeyb ka ah qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka mashaariic ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan $46,766,501.

    Yaa Mudnaanta Kharash Bixinta La Siinayaa?

    Sida ku cad nuqulka miisaaniyadda 2019-ka, oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, haddii la fulin waayo kharaashaadkii lagu talagalay ee miisaaniyadda, waxaa mudnaanta bixinta kharashaadka la siin doonnaa sida raashiinka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida, Khidmadda Bankiga iyo Gobalka, mushaaraadka iyo gunnooyinka Shaqaalaha Rayidka, gunnada Xildhibaanada iyo Wasiirada.

    Isha: kalfadhi

    Madaxtooyada Miisaaniyadda 2019 NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Wafdigii Dowladda Somalia oo loo diiday in lagu wareejiyo Askartii Itoobiyaanka [Maxaa qabsaday..?]
    Next Article Dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Amniga iyo Askari Dil geystay oo ku dhammaaday…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo