Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday siyaasiyiin ayaa caawa ka dhacay degmada Buuhoodle oo ay meel u dhaxeysa maamullada Puntland, Somaliland iyo Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in Gaari ay la socdeen siyaasiyiin kasoo jeeda Khaatumo oo degaankaasi caan ah luu nin soo xirtay Jaakad waxyaabaha qarxa ku xiran yihiin isku miidaamiyey, markii uu u baaqay oo uu salaamay, waxaana qaraxa ku dhintay Cabdifataax Maxamed Cali oo hore ugu soo shaqeeyey dawladdii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo.
Cabdfitax Maxamed Cali ayaa hore u ahaa la-talihii arimaha siyaasada ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmarke, wuxuuna sanadkii 2013 ka goostay Alshabaab, isagoo ka midaa ururkii Xisbul Islaam ee Xasan Daahir iyo Cumar Iimaan hoggaamin jireen.
Waa markii ugu horeysay qarax noocan ah uu ka dhaco magaalada Buuhoodle oo aan looga baran falalka qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaana dadka degaankaasi ay caawa galeen xaalad aan caadi ahayn iyadoo labada siyaasi ee qaraxa lagu dilay ka sokow ay ku dhaawacmeen 4 qof oo kale.