Koox hubneysan oo ka kooban ila 10 dabley ah ayaa weerar ku qaaday Xarunta deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.
Dagaal socday in ka badan 10 daqiiqo ayaa dhex maray ciidamada difaacayey xarunta Garsabaaley iyo maleeshiyada weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi gurmad u tegay ciidamo kala duwan oo ka tirsan milateriga oo goob halkasi ku dhow xarun ku leh iyo kuwa Booliska.
Maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in la iska caabiyey, iyado markii dambe ay halkaasi isaga baxeen, waxaana dagaalkaasi uu dhaliyey qasare u badan dhaawac, iyadoo wararu sheegayaan in laba ka mida maleeshiyadii weerarka soo qaadaty la dhaawacay.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan, iyadoo loo maleynayo inay Alshabab ka tirsan yihiin maleeshiyada weerarka qaaday, balse degaankaasi ayaa hore uga dhaceen iska hor imaadyo u dhaxeeyay kooxo soo weerarray oo ka tirsan degaano ay xiisad kala dhaxeyso.