Magacaabidii labaad ee Golaha wasiirada xukuumadda Cumar C/rashiid waxaa kasoo baxay in la shaaciyo xalay 27 Janaayo 2015 20-ka wasiir oo wejiyo cusub ah, dhamaantoodna aan ka mid ahayn xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Arrintan oo soo baxday saddexdii maalmood ee ka horeysay ku dhawaaqisteeda waxay la yaab ku noqotay dadka siyaasadda la socday iyadoo lagu tilmaami karo “Qamaar siyaasaded” oo ay ciyaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa taasoo ay uga jawaabeen taakadii siyaasadeed ee ay u dhigeen Isbaheysiyada Kutlooyinka Baarlamaanka oo diiday in la soo celiyo afar ka mida xubno madaxweynaha ku dhowaa.
Haddaba faallo ay Wadani.com ka sameysay wasiirada cusub iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya waxaa ka soo baxay:
[spacer color=”8BC234″ icon=”fa-minus-circle” style=”2″]
WASIIRO AAN XILDHIBAANNO AHAYN
Waa markii ugu horeysay ee wasiirada oo dhami, waa haddii ay sidan ku dhan yihiine laga keeno dibadda, lagana qadiyo xildhibaannada Baarlamaanka, tani waxay ahayd xujo dadka qaarkii keenaan marka khilaafku batay, laakiin tallaabadan marka si dhab ah loo dhuuxo wuxuu salkeedu yahay ciqaab wadareed siyaasadeed oo madaxweynaha iyo kooxdiisu uga aarguteen diidmadii xildhibaanada intooda badan diideen in saaxiibada madaxweynaha ee dib loo magacaabo. Haddii si kale loo yiraahdo waxaa xildhibaanadii baarlamanka oo dhan looga qadiyay wasiirada inay qaarkood ka hor yimaadeen xubno uu ka mid yahay Faarax Sheekh C/qaadir inay ku soo laabtaan Golaha wasiirada.
Waxaa la hubaa in Faarax Sheekh C/qaadir iyo Fahad Yaasiin aanay wax badan is doorin, waxaa kaloo la hubaa in C/raxmaan Odowaa iyo C/kariin Guuleed ay yihiin qof iyo hooskii. Madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay daaha gadaashiisa geliyeen SADDEXDII MUUQATAY waxayna soo safeen SIDEEDII QARSOONEYD qaarkood. Laakiin waxaa su’aale kooxihii kale ee xildhibaanada ahaa kana horjeeday siyaasadda madaxweynaha ee ku doodayay in awoodda la qeybsaday yaa ugu jira wasiirada cusub?… haddii iyagii laga dhigay qori iyo qaaciis waa la isla tuuraa…. sow xaqu kuma jiro in iyaguna xubno ay keensadeen loogu daro Golaha wasiirada?.. Mise xaajadu waa ANIGAA LEH ANIGAANA BUUXSADAY…?
[spacer color=”C2102D” icon=”fa-exclamation” style=”3″]
WEJIYO CUSUB & HIIGSIGA CUSUB
Waa run in loo baahnaa wejiyo cusub oo xaaladda wax ka bedeli kara, waxaana arrin jirta in lagu daalay soo celcelinta xubno ku sifoobay musuq iyo ku takri fal awoodeed. wasiirada la magacaabay waxaa ku jira xubno badan oo lagu yaqaan karti lehna aqoon. Haddiise dhinaca kale aan fiirino waxay la imaan kartaa dib u dhac weyn marka wasiiro wada cusub oo midka ugu yar siyaasadda ka maqan yahay sanad iyo ka badan, waxaana halkaasi ku dhaawacmaya HIIGSIGA cusub waxa loo yaqaan iyo howshii adkeyd ee dowladani u tiilay “2016 INAY DALKA GAARSIISO DOORASHO XOR AH IYO NIDAAM FEDERAAL AH OO SHAQEYNAYA”.
Iska ilow hadalkii Ra’iisal wasaare CCC ee ahaa “waxaan doonayay in howshii la waday aanay hakan ee dardar la geliyo” sidoo kale waa inaan lagu tashan waxqabad degdeg, waase haddii ay xukuumadani kala dhiman Baarlamaanku ogolaadaane mar haddii waqti badan u baahan yihiin wasiirada aan weligood shaqo dowladeed qaban si ay ula qabsadaan wasaaradaha loo dhiibay.
[spacer color=”060CC2″ icon=”fa-question-circle” style=”3″]
AWOOD QEYBSI IYO XUKUUMAD LOO DHAN YAHAY
Ku dhawaaqida xukuumada qabyada ah waxay meesha ka saartay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in la soo dhisayo xukuumad loo dhan yahay, waxaa kaloo ka muuqata in madaxweynaha cid uu raali ka yahay iyo qof aanu aqoon u lahayn maahee aanu xilalka dowladda ku aamini karin cid wax uun dhex mareen oo aanu lahayn dulqaad siyaasadeed oo looga baahnaa hogaamiye qaran… laga yaabee mararka qaarkood inuu qof qof u miisaamo kuna xukmiyo sida uu ugu dhow yahay isaga oo qura.
Qof waliba waxay ka aragtaa wasiiradan cusub inaysan cidna ugu jirin xildhibaanada isbaheysiyada sameystay, oo aanay ahayn xukuumad awood qeybsi ku dhisan iyo mid loo dhan yahay toona… waxaa isweydiin leh shirarkii faraha badnaa, dhafarkii dheeraa iyo loolankii siyaasadeed ee lala galay Xildhibaanada iyo isbaheysiyadooda ma waxay ahaayeen waqti lumis iyo is jiidjiid…?!!!.
Xukuumadan oo kale waxay ku fiicneyd in la magacaabo xiligii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaare Saacid wasiiro 10 ah, waxayna loo qaateen noqon lahayd iyadoo waqti fiicani ka harsan yahay shaqada dowladda, laakiin xilligan shaki ma leh in xaalku ku adkaan doono haddiiba ay nabad gasho. Marka la isku duubo waxaa kuu soo baxeysa in waxa madaxweynaha iyo kooxdiisaa u socdaani aanay ahay WAXQABAD ee ay tahay kadib 2016 iyo sidii ay xukunka mar labaad ugu soo noqon lahaayeen. Tani waxay ku fiicnaan lahayd inay baarlamaanka kasbadaan halkii ay caddowsan lahaayeen.
[spacer color=”354A14″ icon=”fa-arrows-v” style=”2″]
GABAGABO
Waqti ma harin, xukuumad qabyo ah ayaa miiska saaran, baarlamaankuna waxaa loogu baaqay inuu meel mariyo…….. haddii kale….. dooda soo socotaa waa in Baarlamaanku qaswade yahay, inay xil doon yihiin, iyo inaysan ogoleyn khilaafka siyaasadeed inuu dhammaado…. arrimahan oo dhan wuxuu micnahoodu yahay qorshe iyo fal celin ay degsadeen Madaxweynaha iyo kooxdiisa.
Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa la gudboon inaysan diidmo ku degdegin oo xaajada salka u dhigaan kuna dhaqaaqaan tallaabooyinka soo socda:
1. Inay codsadaan in la soo dhameystiro xukuumadda oo aan la keenin ama la ansixin xukuumad qabyo ah.
2. In la is weydiiyo wasaarado maqan (haddii laga tegay iyo haddii xilkooda wasaarado kale ama madaxtooyada loo wareejiyay)
Markaas kadib waxaa dhalan doona jawi cusub oo looga doodo arrinta iyo kulamo kale oo aan ka howl yareyn kuwii lagu khasaaray ee hore loola yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxay ugu yaraan indhaha ku jeedin doontaa halkii wasiiradani ka yimaadeen.
Faallooyinka Wadani.com
[ad name=”HTML”]