Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»FAAQIDAAD: Maxaa laga bartay socdaalkii madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho? (Bogaadin & Dhaliil)

    FAAQIDAAD: Maxaa laga bartay socdaalkii madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho? (Bogaadin & Dhaliil)

    January 26, 20155 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    MarĀ  qura ayaa neef weyni ka soo fuqday oo farxad iyo guul ay la boodboodeen howlwadeenadii Soomaalida iyo Turkiga isugu jiray ee u howlgalay soo dhoweynta wafdigii cuslaa ee madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan, kadib markii ay indhaha saareen diyaaradii uu la socday wadfiga oo hawada sii galeysa markii socdaalkoodii si nabad ah ku soo dhammaaday.

    003

    Qormadeena waxaan dib u qiimeyn ku sameyneynaa guud ahaan booqashadii wafdigii Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho, inagoo faaqidi doona howshii qiimaha lahayd ee la qabtay, hay’adihii iyo dhinacyadii bogaadinta mudnaa ee kasoo dhalaalay kaalintooda iyo ka badan iyo wixii khaladaad dhacay oo ay tahay in cashar lagu qaato loona howlgalo sidii loo sixi lahaa oo aanay dib danbe ugu dhicin. ujeedada qormadani waa sixitaan iyo inaan cid waliba wixii ay mudneyd ku sheegno iyadoon laga been sheegin.

    SHACABKA MUQDISHO

    Shacabka Muqdisho waxay muujiyeen bislaansho iyo samir aan caadi ahayn iyagoo u dulqaatay xayiraadii ay dantu keentay iyo maalmihii dheeraa ee noloshii caadiga ahayd ciriiriga gashay, sidaasoo ay tahayna lama arkin qof kaliya oo socdaalkaas iyo howlihii uu watay wax ka sheegtay ama ka carootay taasoo muujineysa in bulshadu dowladnimo doon tahay.

    CIIDAMADA AMAANKA

    Ciidamada ammaanka waxay ahaayeen kuwii suurageliyay sugidda ammaanka oo har iyo habeen taagnaa wadooyinka, waxayna kaalinta ugu horeysa ka galeen xoogagga bogaadinta mudan ee waajibaadkoodii ka soo baxay.

    Waxaa kaloo xusid mudan oo xaaladda ammaanka iyo farsamada qeyb weyn ku lahaa ciidamo Turki ah iyo saraakiil dalkaas ka timid oo dadaal weyn u galay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda wax badan oo farsmo ahna gacantooda ku qaatay si ay u saxaan.

    MADAXDA SARE EE DOWLADDA

    Madaxda dowladda Soomaaliya waxaa ka muuqatay mas’uuliyad iyo dadaal dheeraad ah iyo inay ka war hayaan culeyska ay leedahay howsha sugeysa, waxayna shaqo aan yareyn u galeen sidii loo najixin lahaa socdaalkaasi oo guul ugu dhamaan lahaa. Tusaale ahaan madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u shaqeeyay si aan la yareysan karin heer uu gaaray inuu shir jaraa’id ku qabto Hotelka SYL bannaankii galabtii uu qaraxu ka dhacay arrintaas oo miisaankiisa aan ku habooneyn.

    Marka la isku soo duubo dhinacyadani waxay muujiyeen karti dheeraad ah oo ay iska kaashadeen sidii howsha loo xilsaaray ay uga soo bixi lahaayeen. waxaa la sugayaa oo kaliya sidii ay ku dhacday qaraxii hotelka SYL oo dad qaali ah oo ciidamada ka mida ku dhinteen iyo baaritanka madaxweynaha balan qaaday halka uu ku dambeeyo.

    MAXAA CASHAR LAGA BARTAY?

    Qabanqaabada isku duba ridka iyo howsh Protocol-ka wafdiga wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u xil saaray Suxufiga ruug caddaaga ah ee Yuusuf Garaad Cumar Axmed. Shaqo adag ayuu qabtay Yuusuf intii uu u xilsaarnaa howshan, waxaana ka muuqday inuusan waxba hagran.

    Khaladaadka ugu weyni waxay ka dhaceen Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde oo wax waliba isku qasmeen intii la sugayay wafdiga Madaxweyne Ordogan iyo kadib intaba. Dadka garoonka tegay ma ahayn dad la xakameyn karo, waxaana la qeybiyay kaarar ku dhow 2000 taasoo xaaladda sii cakirtay. baabuurta aan xabbadu karin ee garoonka tagtay waxay sare u dhaafeen 50.

    Mushkilada kale waxay ahayd saxafiyiinta garoonka tegay oo aan nidaam lahayn mid waliba wixii uu doono sameynayay, taasoo si toos ah dad badani uga daawadeen TV-ga Qaranka. Nidaam darrada dadka ay saameynta ku yeelatay waxaa kamida Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo isagoo Garoonka ku sugan aan ka qeybgelin xafladii xariga looga jaray Garoonka.

    Waa run in saxafiyiintu aanay jecleyn nidaamka oo mid waliba raadiyo inuu noqdo qofka ugu dhow isha warka, waxaase yaab lahayn in howl dhammaanteed Protocol iyo nidaam ah loo xil saaro saxafiga Yuusuf Garaad..!

    Mas’uul waliba oo Garoonka joogay wuxuu ka sheeganayay nidaam darrada meesha ka dhacday, waxayna intooda badan dhaliisha u jeedinayeen dadka faraha badan ee aan la xakameyn. Arrintan waxay keentay in saraakiisha Turkiga ay gacanta la galaan dadkii oo qof qof uga celiyaan.

    Dhibaatadii farsamo xumo ee garoonka kadib waxay Turkigu qaateen go’aan ah inay dadkii madaxda daba socday iyo saxaafadii oo dhan ka celiyaan goobihii kale ee wafdigu xariga ka jarayay sida Isbitaalka Digfeer, waxaase la yaab kale lahayd inaan maqalno saxaafad ku doodeysa sababta loo celiyay.!

    Duulisordogan

    MAXAA IN LA SAXO U BAAHAN..?

    Inkastoo dal soo maray burbur na gaaray ku adag tahay inuu durba isku tooso, haddana waxaa fiican in wixii dhacay khibrad lagu qaato, sidii Axadii ka dhacday garoonka Adan Cadde waa la hubaan inaysan ka dhicin xitaa xiligii aan sidan ka liidanay ee dowladii kumeelgaarka ahayd.

    Arrimaha soo socda waxay u baahan yihiin in degdeg wax looga qabto:

    • In madaxda dowladda yareeyaan dadka daba socodka iyo gacan yareyaasha ah ee tirada badan
    • In arrimaha nidaamka (protocol) loo dhiibo dadka xirfadooda tahay.
    • In madaxda sare ee dowladda sida (madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha) aanay munaasabad qura ka wada qeyb gelin intii macquul ah.
    • In sxaafadda nidaam iyo xadeyn loo sameeyo.
    • Iyo ugu dambeyn qofkii mas;uuliyad loo dhiibo lagu ixtiraamo, lagana amar qaato oo aan sharciga gacanta lagu qaadan.

    Faalooyinka Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

     

    Muqdisho Socdaalkii madaxweyne Ordogan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo difaacay in la soo celiyo wasiiradii xukuumadii hore
    Next Article Somalia shows signs of recovery and optimism after decades of turmoil

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo