Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid dhowr ah oo ay ka mid ahayd xukuumada cusub ee dhowaan la filayo in lagu dhawaaqo.
Madaxweynaha wuxuu shaaciyay in la dhisayo xukuumad loo dhan yahay oo qeyb kasta oo Soomaalida ka mida ay ku jiraan iyadoo la tixgelinayo:
1. Nidaamka Qabiilka ee 4.5 oo awooda lagu qeybsado
2. Kooxaha Baarlamaanka ka dhex sameysmay ee isku aragtida ah
3. Dhalinyarada
4. Iyo Haweenka
Wuxuu madaxweynaha dalbaday in xukuumadaasi la taageero ay ku heshiiyeen isaga iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, isagoo ka cudurdaartay in dadkoo dhan aanay xukuumada ka mid noqon karin. Wuxuu kaloo si weyn u difaacay wasiiradii hore oo uu sheegay in qeyb ka mida ay ku soo noqonayaan xukuumada.
Waxaa cad in qaababka loo dhisayay xukuumadii kala dambeeyay intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh aan wax tixgelin ah la siinin nidaamka 4.5 oo baarlamaankeenu ku dhisan yahay, taas bedelkeedna Beesha Shanaad ay mar waliba heleysay tiro la siman afarta beelood ee kale, taasoo dadka qaarkii ay u arkaan inay tahay horumar.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]