Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAQIDAAD: Maxaa Madaxda Sare ee dalka ku qasbay inay Xalane ugu tagaan Saraakiisha Mareykanka..?

    FAAQIDAAD: Maxaa Madaxda Sare ee dalka ku qasbay inay Xalane ugu tagaan Saraakiisha Mareykanka..?

    November 18, 2018Updated:November 18, 20184 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mareykanku waa ka duwan yahay dalalka kale marka ay timaado Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, waxaan saraakiisha iyo madaxda dalkaasi ee taga Soomaaliya ka mamnuuc ah inay gudaha u galaan magaalada Muqdisho.

    Wufuudda ka timaada dalka Mareykanka ee soo booqata dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho darajo kasta oo ay leeyihiin, saraakiil heer hoose, danjireyaal iyo saraakiil sare oo heer wasiiro ahba waxay u yaalla amar ah inaysan soo dhaafin Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xeyndaabkiisa Xalane.

    Waxaa nasiib darro noqotay inay muddo ku dhow 10 sano ay Mareykanka Muqdisho ugu jirto goobaha halista ah ee ay ka reeban tahay inay ka gudbaan Garoonka Muqdisho, waxaase jirta in dalalka Yurub ay bedeleen go’aanadii Amni iyadoo sarakiishooda ay magaalada tagaan, madaxda dowladana ku qaabilaan madaxtooyada.

    Arrintan waxay salka ku heysa qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ay ku sameeyeen Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo CIA-da dalkaasi oo u diideysa mas’uul Mareykan ah inuu dhaafo garoonka Muqdisho, laakiin madaxda Soomaalidu ma ku qasban yihiin heer kastoo ay yhiin inay  hogagaansamaan bahdilka dalkooda lagula sameynayo .

    Mareykanka wuxuu weli u dhaqmayaa sidii hore, mana jiro isbedel uu ku sameeyay g’aankiisa amni, tasoo eentay in madaxda Soomaalida loogu yeero Garoonka Muqidsho iyo Xalane si ay ula kulmaan wafdiyada Mareykanka.

    marymax
    Madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Garoonka kula kulmaya Tina Kaidanow -haweendy argagixisadau qaabilsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka-

    Dhacdo yaab lahayd waxay ahayd kulankii bishii June 2015 ku dhex maray garoonka diyaaradaha Muqdisho Danjire-guud iyo xiriiriyaha  argagixiso la-dirirka ee wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Tina Kaidanow iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Madaxda kulankan u tagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kamid ahaa; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Wasiirka Arrimaha Dibada C/salaan Hadliye Cumar iyo Mas’uuliyiin kale oo fara badan.

    DAAWO SAWIRRADA KULANKAAS

    Doorashadii Madaxweyne Farmaajo maxaa isbedelay..?

    Kadib doorashadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan waxba ka bedelin qodob siyaasiyiin badan ay ku sheegeen inay sharaf dhac ku tahay madaxda Qaranka ee ahaa inay Garoonka iyo Xalane ugu tagaan saraakiisha Mareykanka.

    Farmaajo ayaa 10 maalmood kadib markii la doortay wuxuu garoonka diyaaradaha Muqdisho u tegay si uu ula kulmo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephan Schwartz, halkii ay ahayd in safiirka uu madaxweynaha ku booqdo xaruntiisa Villa Somalia.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo safray xarunta madaxtooyadiisa ee Villa Somalia, waxaana uu iska xaadiriyay qolka VIP-da ee Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo safiirka Mareykanka uu kula ballansanaa. (AKHRI WARKA KULANKA)

    Waxaa la xusuustaa in Musharixiin badan ayaa ololihii Doorashaad Madaxweynaha ku galeen inay joojin doonaan in madaxda sare ee Qaranka loogu yeerto garoonka diyaaradaha, waxayna sheegeen inay arrintan ceeb ku tahay madaxda Soomaalida.

    Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Safiirki USA Stephan Schwartz.

    Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa Muqdisho ku arka goob aan amni ahayn, waxaana dalalkooda ay ka heystaan amar ah inaysan dhaafin xeyndaabka garoonka diyaaradaha, taasoo ahayd siyaasad soo taagneyd ilaa sanadkii 2009, balse waxaa arrintaasi bedelay dalal ay UK ka mid tahay oo wasiirkeeda arrimaha dibadda uu madaxtooda kula kulmay Farmaajo. [Akhriso]

    Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweyne Farmaajo tegay xarun safaarad loo ekeysiyey oo Xalane a sameysatay safaaradda Mareykanka, isagoo halkaasi waraaqihii aqoonsiga uga guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka Donald Yamamoto, arrintan oo mar kale si cad u muujisay in madaxda sare u nugul yihiin Mareykanka. [Akhri Warkan]

    Image may contain: 1 person, standing

    Image may contain: 1 person, standing

    Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

    Dad badan ayaa ka rajo dhigay  isbedel weyn oo madaxweyne Farmaajo ku keeni karo arrintan sida arrimo badan oo uu hore u balanqaaday, kuwasoo olole doorasho ku ekaaday. Waxaase la yaab lahayd in  madaxda Soomaalidu ku dhiiran karin inay ugu yaraan iska diidaan sharaf dhaca lagu sameynayo.

    Waxaa xusid muran in Mareykanka ay ciidamo gaaraya 500 ka joogaan Soomaaliya, isla markaana aanu safaarad rasmi ah ku lahayn Muqdisho, balse safiirka ku shaqeeyo magaalada Nairobi.

    Warbixinta Wadani

    Donald Yamamato Farmaajo Mareykanka US Xalane
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Afrikaan ah oo loo gacan geliyay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICC
    Next Article DEGDEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay duleedka Caasimadda Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo