Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»FAAQIDAAD: Muuqaalka Baarlamaanka cusub ee Tobnaad: “Kuleyl Hadduu kow yahay..!”

    FAAQIDAAD: Muuqaalka Baarlamaanka cusub ee Tobnaad: “Kuleyl Hadduu kow yahay..!”

    January 13, 2017Updated:January 13, 20174 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa la soo gabagabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaan cusub ee 10-aad oo ay ku soo baxeen saddex mas’uul oo aan cusbneyn, wax badanna ku soo jiray Baarlamaanadii hore iyo dowladihii isaga danbeeyay dalka.

    Qormadan kooban waxaan ku eegeynaa guddoonka cusub iyo halka uu kasoo jeedo oo laga yaabo in Baarlamaanku u jiheeyo dalka, iyadoo 4 sano ee soo socota ay yihiin kuwo xasaasi ah oo la doonayo in Soomaaliya ay u gudubto dowladnimo rasmi ah.

    ISBEDEL 

    Waxay ka mid tahay ereyada soo noqnoqda mar waliba oo Doorasho la galo, laakiin kama dhigna sida macnaha ereygu u muuqdo ISBEDELKA siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Soomaalida waa mid ku wajahan shaqsi kaliya oo ah kan ugu sareeya dalka.

    Guddoonka cusub kuma jiro mas’uul cusub oo la tijaabinayo, Guddoomiyaha dib ayuu u soo laabtay, si kastoo baarlamaankii hore loo eedeeyay isaga waa laga soo reebay sababuhuna waa badan yihiin, Guddoomiye ku xigeenka labaad isna waa soo laabtay, waxaa cusub oo haddana qadiim ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo dowladii labada Shariif ee Kumeelgaarka ahayd isla xilkaas kasoo qabtay waxqabad iyo aqoon badanna aan lagu tuhmeynin. Sidaas darteed ma jiraan wax is bedelay oo kuwa isbedel doonka ahaa ay ku farxaan.

    WADA-SHAQEYNTA

    Guddoon kasta waxaa muhiim u ah inay dhex marto wadashaqeyn iyo midnimo ay uga gudbi karaan caqabadaha ka hor yimaada, iyadoo la hubo in mooshinadu iska daba imaan doonaan, xukuumaddo iyo madaxweye-na halis la gelin doono ayaa baahi weyn loo qabaa guddoon wada shaqeeya oo isku kalsoon, si aanay u dhicin in halkii wax lagu xalin lahaa khilaaf ka yimaado.

    Prof. Jawaari

    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ahInkastoo Prof. Jawaari si weyn uga gilgishay in la wato xilligii doorashadiisa, haddaba waxaa cad inuu taageero ka heystay madaxweyne Xasan Sheekh, sababtaasi ay qeyb ka ahayd guushiisa, taasoo ay keentay inuusan heynin cid kale oo uga roon. Waxaa xaqiiqo ah in doorashada Jawaari ay ahayd mid ku timid arrimo is biirsaday iyo isbedel ka carar mideeyay xildhibaanada beelaha Hawiye iyo Daarood.

    Jawaari oo aan looga baran go’aan qaadasho adag iyo mowqif wuxuu noqon doonaa mas’uulka kaliya ee Xasan Sheekh ku leeyahay Baarlamaanka cusub haddii ay timaado in loo abtirin siyaasadeed loo sameeyo.

    C/weli Muudey

    Muudey oo ah shaqsi ku tiirsan madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana taariikh madow ku leh hogaaminta barlamaankii KMG ahaa markii uu guddoomiye ku xigeenka u ahaa Shariifka, waxay xildhibaanadii la soo shaqeeyay aaminsan yihiin inuu Baarlamaanka 10-aad u hogaamin doono isku dhac iyo khilaaf joogto ah sida baarlamaankii dowladii C/llaahi Yuusuf ee Shariif Xasan hogaaminayay, tiiyoo la ogyahay in Shariifka iyo Jawaari loolan siyaasadeed iyo mid shaqsi ah ka dhaxeeyo.

    Mahad Cawad

    Waxaa lagu tilmaamaa musharax ku soo laabtay dabeyl siyaasadeed oo socotay, waxaana uu helay fursad musharixii la tartamayay lagu riixay in laga wato madaxtooyada, waana sida doorashada Ssoomaalidu u dhacdo in qof aan lagu talo gelin loo doorto naceybka qof kale.

    Mahad Cawad wuxuu gacansaar la leeyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuuna isku dayay inuu iska dhigo qof reer Puntland ah, inkastoo ay taasi u socon weyday, haddana waa siyaasi lagu tiriyo inuu ka shidaal qaato Garowe.

    Wada shaqeyta Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad ma xumeyn, inkastoo Mahad ahaa ninka ugu xagjirsan guddoonkii hore oo ay is qaban jireen inta kale, haddana jagadiisa oo ah tan labaad ayaa wax badan xadideysay iyo iyadoo labada ka sareysay ay isku dhinac u jeedeen.

    GABAGABO

    Mar haddii aanu isbedel jirin, saddex nin ee Guddoonka cusub ku soo wada baxayna siyaasad ahaan isku dhinac u jeedin, waxay xaaladu u muuqataa in gudodonka Baarlamaankani aan looga fadhin waxqabad iyo rajo badan, waxayse ku xirnaan doontaa xildhibaanada cusub iyo kuwii hore ee hadda xilka haya inay la kala saftaan iyo inay xilkooda ka soo dhalaallaan.

    Baarlamaanka cusub ee 10-aad waxay saadaashiisu la mid tahay sheeko qabsatay ninkii miskiinka ee goob Alle-bari ka jiro tegay oo Basbees (Shidni) u maleeyay Suugo, kadibna markii baahi heysay darteed uu isku boobsiiyay raashinkii dhegaha qaac kasii daayay, isagoo dhididkiisu baxayo oo si darran u gubtayna uu weydiiyay dadkii meesha joogay: War xuskaani muxuu ahaa….?  waxaa loogu jawaabay….. Fidoow (Qof dhintay) ayaa lagu qaboojinayay… markaasuu yiri: KULEYL HADDUU KOW YAHAY.

    FAALLADA GOOBJOOGE.COM

    Baarlamaanka C/weli Muudey Guddoonka Jawaari Mahad Cawad Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDonald Trump iyo xubo ka mida maamulkiisa cusub oo isku dhacay
    Next Article DAAWO: Farriinta Xasan Sheekh ee Doorashada Guddoonka Baarlamaanka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo