Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAQIDAAD: Shariif Xasan oo Maamulka K/Galbeed Dib ugu celiyey Xaaladii Ku-meelgaarka ahayd

    FAAQIDAAD: Shariif Xasan oo Maamulka K/Galbeed Dib ugu celiyey Xaaladii Ku-meelgaarka ahayd

    November 6, 2018Updated:November 7, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha xilligiisu dhammaanayo ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya dib ugu celiyey xaaladii Kumeelgaarka ahayd ee isaga lagu soo doortay, kadib markii odayaasha dhaqanka K/Galbeed ay shaaciyeen inay dib u dhigeen muddo aan la cayimin Dooraashadii Madaxweynaha.

    Go’aanka aya maanta soo saareen 30 ka mida Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in faragelin ka timid dowladda Federaalka darteed dib loogu dhigay doorashadii Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. [AKHRI WARKA]

    Odayaasha ayaa go’aankooda u daliishaday qodobka 60-aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed kaasoo sheegaya in xilliga KMG ah ay odayaasha dhaqanka marjic u noqon karaan markii ay la soo gudboonaato xaalado ay golayaasha maamulkaasi ugu yeertaan.

    HOOS KA AKHRI QODOBADDA DASTUURKA MAAMULKA KOOFUR GALBEED EE AWOODDA ODAYAASHA DHAQANKA

    Inkastoo xaaladii  KMG ahayd laga soo gudbay markii la dhisay Baarlamaanka K/Galbeed, isla markaana qodobkaasi waqtigiisu dhammaaday haddana awoodaha aan kala caddeyn ee odayasha ayaa u qoran qaab si waliba loo macneyn karo.

    Arrintan ayaa ka dhigan in awoodii Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay la wareegeen odayaasha maamulkaasi oo intooda badan taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo maamulka gelineysa xaalad xiisad siyaasadeed ah oo aan laga fiirsan.

    Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Sheekunaa Maye oo aad ugu dhow Shariif Xasan ayaa lagu waday inuu is casilo, taasoo laga yaabo inay jidka ku soo jirto, waxaana maamulka Koonfur Galbeed mar kale dib ugu laabanayaa xaaladii KMG ahayd ee ay odayasha iyo ergada ay soo xuleen ay dooran jireen Madaxweynaha, haddii ay suuragasha qorshaha uu dejiyey Shariif Xasan.

    Xaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doonta mid ku danbeysa laba xaaladood oo midkoodna aanu dhibaato yareyn:

    1- In Baarlamaanka K/Galbeed ku kala qeybsamo go’aanka odayaasha, sidaasina doorasho dhantaalan ku dhacdo, maamulkaasina madaxa la galo xaalad aan ka fiicneyn tan maamulka Galmudug.

    1- In Odayaasha taageersan Shariif Xasan ay ku dhawaaqaan inay sanad ama laba sano ah u kordhiyaan Shariif Xasan, sida qorshuhu yahay oo iyaduna xiisad ka dhalin karta maalinka Koonfur Galbeed.

    Xalka ugu sahlan ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah inuu tanaasulo Shariif Xasan mar haddii uu  xaqiiqsaday inuusan ku guuleysan doonn doorasho xilligan dhacda, sidaasina ku badbaado maamulka K/Galbeed, taasoo ah go’aan aanay taageereynin taariikhda siyaasadeed ee Shariifka oo ku socotay is mari waa iyo kala tag siyaasadeed.

    Baydhaba Doorashada K/Galbeed K/Galbeed Shariif Xasan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskarigii ka dambeeyay Haweeney Lagu dilay Muqdisho oo isu dhiibay Ciidamada Dowladda
    Next Article 12 ka mida Guddiga Doorashada K/Galbeed oo ku dhawaaqay inay sii wadayaan Doorashada Madaxweynaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo