Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»FAAQIDAAD: Sidee Alshabaab ku gaareen Hotel-ka SYL? [Qorshaha cusub ee la adeegsaday & fashilka Sirdoon ee NISA]

    FAAQIDAAD: Sidee Alshabaab ku gaareen Hotel-ka SYL? [Qorshaha cusub ee la adeegsaday & fashilka Sirdoon ee NISA]

    December 11, 2019Updated:December 13, 20192 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    BURBURKII UU GEYSAY QARAXII IS-MIIDAAMINTA EE HOTEL SYL 30 OGOST 2016
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weerarka Alshabaab ku qaadeen xalay Hotelka SYL ee u dhow Madaxtooyada Soomaaliya wuxuu gebi ahaan ka duwanaa weerarradii noociisa ahaa ee looga bartay inay ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana marka la qiimeeyo kasoo baxeysa guul dhinaca amniga ah iyo fashil wad socda.

    Su’aasha ugu weyn ee weerarkan ka dhalatay weerarkan waxay tahay: Sida ay ku suuragashay inay maleeshiyada Alshabaab ku gaaraan Hotelka SYL oo ku yaalla aag si weyn loo ilaaliyo oo ciidamada Madaxtooyada ku hareereysan yihin..?, waxayna jawaabta hadba loo helo su’aashani ay fure u noqon doontaa in laga hortago weerraro noocan oo kale ah oo mustaqbalka dhaca.

    FASHILKA SIRDOONKA

    Dad badan ayaa shaki ka muujinaya suuragalnimada in ciidamo aan la aqoon loo fasaxo wadaddaasi ayna gaaraan afaafka laga halo madaxtooyada iyo Hotelka SYL, kadibna ay fuliyaan weerar heerkan gaaraya iyagoo ku hubeysan hub fudud iyo bambooyin, waxayna soo jeedinayaan tuhun ah inuu jiro la shaqeyn iyo fududeyn, haddiise eeddaas meel la iska dhigo xitaa waxaa cad in ugu yaraan uu jiro dayac weyn oo halistan keenay.

    Macno badan ma sameynayo inay maleeshiyada Derbiga Hotelka ka boodeen iyo inay iridka ka galeen, waxayse muhiimadu tahay qaabka uu ku dhacay fashilka amni ee keenay inay gaaraan Hotelka sida weyn loo ilaaliyo ee ay isku halleeyaan mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta.

    Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka ee NISA oo miisaaniyadeedu ka badan tahay inta badan wasaaradaha dalka waxay mar kale ku fashilantay inay la socoto ama ka war heyso dhaqdhaqaaqa Alshabaab iyo qorshaheyaashooda cusub, kana hortagto inta aysan dhicin, iyadoo uu jiray waqti ku filan oo la filan karay weerarkan oo kale.

    GUULAHA AMNIGA LAGA GAARAY

    Ciidamada Booliska waxay ku guuleysteen inay si weyn u yareeyeen qaraxyadii Alshabaab ka geysan jritay magaalada Muqdisho, iyadoo guul muuqata laga gaaray ka hortagga iyo ka daba tagga falalka khaarijinta dadka oo muddooyinkii danbe la qabtay ama la dilay maleeshiyo badan oo Alshabaab u qaabilsaneyd madax-jebinta.

    Weerarkii xalay Alshabaab ku qaadeen Hotelka SYL, wuxuu caddeyn u yahay guusha Amniga ee ciidamada Booliska, iyagoo awoodi waayey inay gawaari is-miidaamin ah adeegsadaan ama qaraxyo waaweyn oo qasaare badan dhaliya soo abaabulaan.

    Guushaas amni waxay dhinaca kale u dhutineysaa Sirdoon xoog leh oo fashilin kata weerarkii Xalay lagu qaaday SYL oo kale, waana marqaati cad oo muujinaya in NISA aysan gaarin heerkii looga fadhiyey, iyadoo la ogaan doono inay cashar ka baratay fashiladeedii hore.

    Faaqidaadda Wadani

    Hotel SYL Top Weerarka Hotel SYL
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhiban Mahad Salad: “Laamaha Amniga waxaa la amray inay qariyaan qasaaraha, Alshabab-na shirko ayaa lagula yahay..”
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Qaraxyadii waxaa guryahooda loogu geeyay Madaxda Villa Somalia oo inay xilka sii joogaan ku mashquulsan”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo