Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhiban Mahad Salad: “Laamaha Amniga waxaa la amray inay qariyaan qasaaraha, Alshabab-na shirko ayaa lagula yahay..”

    Xildhiban Mahad Salad: “Laamaha Amniga waxaa la amray inay qariyaan qasaaraha, Alshabab-na shirko ayaa lagula yahay..”

    December 11, 2019Updated:December 11, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheeay in qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelka SYL uu ka badan tahay inta ay shaacisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Booliska, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay qarineyso qasaaraha.

    “Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen Hotel SYL ay ku dhinteen 3 qof shacab ah iyo 2 askari. Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 11 qofood. Ilaa hada xogta aan ka helnayno Isbitaalada Mogadishu waxay sheegaysaa dhimashada iyo dhaawaca in intaas aad uga badanyihiin…” ayuu yiri xildhibaan Mahad Saaad.

    Wuxuu soo qaatay qodobo muujinaya in Alshabaab lala abaabulo weerarrada ka dhacaya Muqdisho, isla markaana dhibaatada xalay ka dhacday Hotel SYL iyo weerarro hore aysan Alshabaab keli ku ahayn, sababaha soo socda dartood:

    1. Hotel SYL wuxuu ku yaalaa irida Madaxtooyada. Dhowr boqol oo tilaabo ayuuna u jiraa hoyga Madaxweyne Farmaajo. Aniga Xildhibaanka ah dhowr barood oo ciidamada amnigu joogaan ayaa la’igu hubiyaa kahor inta aanan gaarin goobtaas marka yaa geeyay nimankaan hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

    2. Weerarkii xalay waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad isugu jiray shacab, ciidamo iyo mas’uuliyiin dowladeed. Laamaha amniga waxaa la amray in ay qariyaan qasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyadeed ee weerarka ka dhashay si aan loo ogaan. Ilaa hadana warbaahinta looma ogolaanin in ay tagaan goobtii dhibku ka dhacay. Marka cadowga ku dilaya iyo midka adigoo dhiban dhibaatada kugu duugaya maxay ku kala duwanyihiin hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

    3. Weeraro badan ayaa magaaladaan ka dhacay mudadii Madaxweyne Farmaajo talada dalkaan hayay. Dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhowr kun ayay kor u dhaafayaan. Waa dhif iyo naadir Madaxweynuhu ummadda inta hor yimaado in uu uga tacsiyeeyo dhibaatada soo gaartay ee naf iyo maalba leh halka HABAR ama ODAY GAAL ah hadii cirifka ugu danbeeya dunida ay ku dhimtaan isla saacadahaas loo tacsiyaynayo. Marka maxaa loo hagranaya shacabkii mas’uulka laga ahaa hadii dhiigooda aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

    4. Alshabaab hada waxay canshuur xad dhaaf ah ka qaadaan Dekada, Ayraboorka, Suuqayada, Dukaamada, Gaadiidka iyo Guryaha la deganyahay ee magaalada Mogadishu, dowladu waa ogtahay ilaa hadana hal tilaabo dhankooda looma qaadin si shacabkaan la baadayo hantidooda loo badbaadiyo marka sidee arintaani ku dhacday hadii aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

    Hotel SYL Mahad Salaad Muqdisho Top Weerar Hotel
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSaxafiyiinta ka howlgala Warbaahinta Muqdisho oo loo diiday inay galaan Hotelka SYL
    Next Article FAAQIDAAD: Sidee Alshabaab ku gaareen Hotel-ka SYL? [Qorshaha cusub ee la adeegsaday & fashilka Sirdoon ee NISA]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo