Xaalad aan caadi ahayn ayuu ku sugnaa guri uu Muqdisho ka deganaa Siyaasiga wasiirka hore soo noqday iyo musharaxa madaxweyne ee C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxayna billihii ugu dambeeyay ku tilmaameen inuu gurigu noqday Madaxtooyo aan laga seexan.
Xilligii uu wasiirka ka ahaa dowladii Sheekh Shariif iyo xitaa intii uu socday ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la yimid Qorshihii ‘ISKU TASHI’ marna siyaasigu ma yeelan maqaamka iyo heerka uu gaaray wixii ka dambeeyay bishii Oktoobar 2017, heer qaabilaadiisa saf loo galo.
Arrintan waxay dib ugu noqoneysaa qorshe dowladda Imaaraadka Carabta kasoo bilowday oo ay garwadeen u ahaayeen Ra’iisal wasaarihii iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo Shariif Sheekh Axmed oo uu wasiirka ka noqday C/raxmaan C/shakuur dowladii ay hoggaaminayeen, kaasoo salka ku hayay in isbedel lagu sameeyo hoggaanka sare ee dalka.
Laba safar oo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay Imaaraadka laguma guuleysan inay aaminto ama ay ugu yaraan hakiso ololaha ka dhanka ah ee lagu doonayo in xilka looga qaado, waxaana sii xoogeystay qorshe lagu diyaarinayo mooshinka madaxweyne ‘Impeachment’ kaasoo abaabulkiisu ka socday Guriga C/raxmaan C/shakuur.
Markii uu meesha ka baxay Shariif Sheekh Axmed, isagoo saluugay qaabka qorshaha Imaaraadka, wuxuu siyaasiga C/raxmaan C/shakuur noqday siyaasiga ugu weyn ee kasoo jeeda Beesha Hawiye ee ogolaaday inuu qorshahaasi fulo, ra’iisal wasaarana ka noqdo dowladda Cumar C/rashiid madaxweynaha ka noqonayo, sida qorshaha Imaaraadku dhigayo.
Waxaa qorshaha ku soo biiray kooxdii Qabyo ee madaxweyne Xasan Sheekh ama Damjadiid oo inkastoo aysan la dhacsayn qorshaha Imaaraadka, haddana ujeedkooda ugu weyn ahaa inay ku lug darsadaan ololaha socda, kadibna ay dadaalkooda ku soo baxaan.
Waxaa sii xoogeystay qorshihii, waxaana si rasmi ah loo bilaabay qorsita mooshinka madaxweynaha ee xilka qaadista, waxaana ku soo biiray xildhibaanno qaarkood qeyb ka yihiin qorshaha iyo qaar lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshinka oo intooda badan la siiyay $10,000, markii ay shaqeyn weysay qiimaha 3000 iyo 5000 doolar oo bilowdii ay deiyeen kooxda ku shaqeyneysay Gurigan.
Howshaas oo dhan waxay ka socotay Guriga C/raxmaan C/shakuur oo u dhow Garoonka diyaaraaha Muqdisho, waxaana uu noqday goob ka mashquul badan madaxtooyada Villa Somalia, wuxuunas oo jiitay indhaha siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo dadka siyaasadda ku nool.
Qaabillaadu waxay ahayd joogto heer ay gaartay in dadka qaarkood ay maalmo ku qaadato inay arkaan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo had iyo jeer qaabilaad iyo shirar kula jiray odayaal, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, waxaanna gurigu isu bedelay meel aan laga seexan oo saqda dhexe kadib baabuurta xildhibaannada iyo siyaasiyiinta isu daba maraan.
17-kii Disembar saqdii dhexe oo daqiiqado dhiman ayay gurigaasi weerarraan ciidamada nabadsugidda ee NISA, waxaana lagu dilay 5 ka mida ilaaladii guriga, iyadoo uu dhaawac soo gaaray C/raxmaan C/shakuur, waxaana ka damebeyay dacwad weli taagan oo ku saabsan dhacdadaasi.
Lama oga inay dhammaatay howshii ka socotay Gurigan, waxaase la ogyahay in sibedel weyn ku yimid abaabulkii ka socday ee ka dhigay mid soo jiitay indhaha madaxda dowladda, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Muqdisho ee xiisad ku noolka ah, waxaana weli laga jawaabin, sababta loo weeraray iyo dadka lagu dilay cidda loo raacanayo, taasoo u muuqata in xeer ilaalinta Qaranka dusha loo saaray.