Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»FAAQIDAAD: Xaqiiqada Wejiyada cusub ee loo magacaabay Talisyada Ciidamada iyo Madaxtooyada Somalia

    FAAQIDAAD: Xaqiiqada Wejiyada cusub ee loo magacaabay Talisyada Ciidamada iyo Madaxtooyada Somalia

    August 16, 2018Updated:August 18, 20183 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sameeyay isbedelladii ugu weynaa ee  Hay’adaha amniga iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

    Wareegtadii saaka  ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxay ahayd kuwii ugu danbeeyay wareegtooyin lagu tilmaamay wiifto oo si is-daba joog ah uga soo baxayey xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo dowladda Nabad iyo Nolol ay noqotay tii ugu weyneyd ee xil ka qaadis iyo magacaabis waqtigeeda ku qaadatay.

    ISBEDELLADA UGU WAAWEYN IYO WEJIYADA CUSUB

    1. FAHAD YAASIIN: Weji cusub oo haddana qadiim ah

    Isbedelka ugu weyn ee wareegtada ka muuqda ayaa ah in Agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa ninka ugu awoodda badan dowladda Farmaajo uu hadda doortay inuu noqdo Agaasimaha iyo Sirdoonka ee NISA, taasoo ka dhigan inuu maamuli doono Hay’adda muranka badan ka dhex jiray ee awoodda badan, kadib markii xilalkii laga qaaday labadii ku xigeen ee NISA, isaguna uu noqday ku xigeenka kaliya ee Hay’adda, iyadoo labada Agaasime ku xigeen ay xilka u waayeen ku xigeenka awoodda leh oo la aaminsan yahay inuu isagu maamuli doono.

    Lama oga sababta uu ku doortay Hay’adda NISA oo aan ahayn mid siyaasadeed, isla markaana ay socotoy qorshe ah in awooddeeda si weyn loo yareeyo, iyadoo sharci cusub loo sameynayo laguna celinayo howshii sirdoon, taasoo dhowaan bilaabtay markii ciidamada hubeysnaa laga wareejiyay oo lagu biiriyey Booliska.

    2. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka: Talis ay naafeysay isbedello hoggaan

    Wejigada cusub ee aan haddana cusbeyn ee wareegtada ugu danbeysan soo celisay waxaa ka mida xilkii Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo laga qaaday Jen. C/weli Jaamac Gorod oo xog kala duwan ay tilmaantay inuu ahaa shaqsi hanan waayey taliska xoogga dalka oo jilicsan, waxaase xilka loo magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) oo hore xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Jen. Indha-Qarshe ayaa waxaa hore xilka uga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna in muddo ah dhexda u galay muran ku saabsan xarig sarkaal ka tirsanaa ciidamada oo Gabay ka tiriyey, waxayna xaaladiisu gaartay in gabayo dhowr ah laga sameeyo maamulka taliyaha ee ciidamada Qalabka sida, waxayna dib u soo celintiisu muujineysaa inay soo yaraadeen dadka xilkan qaban kara, markii dib loogu laabtay taliye hore howshan ku eed mutay.

    Waxaa kaloo xilka ciidamada ku cusub Taliyaha Ciidanka Badda oo loo magacaabay G/sare Xasan Nuur Col-ujoog, waxaana seefta xil ka qaadista ay la tagtay  Jen. Maadey Ufurow oo muddo dheer xilkan soo hayey

    3. Abaanduulaha ciidamadda Xoogga dalka

    Wejigada cusub ee ku jira magacaabidda madaxweyne Farmaajo waxaa ka mida in abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka loo magacaabay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa nin dhalinyaro ah oo lasoo dalacsiiyey lagana dhigay Sareeye Guuto, waxaana arrintan oo loo eegay miisaanka beelaha lagu tilmaami karaa isbedel dhinaca fiican loo qaaday haddii aanay dhibaato ka imaan khibrad la’aanta abaanduulaha cusub.

    Waxaa xilkii laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood oo ahaa nin ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo si weyn looga sheegtay inuu magaca madaxweynaha ku sameeyo takrifal awoodeed, isla markaana dacwado badan uga yimaadeen madaxweynaha.

    4. Haweenka iyo xilalka cusub

    Aamino Saciid Cali oo horay u aheyd Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada ayaa noqotay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana loo arkaa inay ahayd mas’uulka shaqada hoose ee madaxtooyada hore u waday, iyadoo aan ku cusbeyn madaxtooyada.

    Waxaa sidoo kale  Taliye kuxigeenada ciidamada Booliska Soomaaliyeed markii ugu horeysay loo magacaabay G/Sare Zakiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku biirtay Ciidanimada.

    Isbedellada cusub ee madaxweyne Farmaajo ku sameeyay talisyada ciidamada ayaa waxaa ka dhalan kara inuu meesha ka baxo miisaankii beelaha, taasoo keeni doonta in xilal kale la magacaabo waqtiyada soo socda.

    W/D: GOOBJOOGE.NET

    Aamino Saciid Cali Fahad Yaasiin Farmajo G/sare Xasan Nuur Col-ujoog Jen. C/llaahi Cali Caanood Madaxtooyada Magacaabis Odawaa Yuusuf Raagge Top Zakiya Xuseen Axmed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo si lama filaan ah xilalkii uga qaaday Taliyeyaal & Agaasimihii Madaxtooyada [Akhriso Wareegto]
    Next Article Koox hubeysan oo Dil ka geystay Suuq ku yaalla Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo