Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin ayaa sheegay in jeneraalka Itoobiyaanka ah ee urur Goboleedka IGAD shaqada ka eryay aysan jirin meel uu isku qarin karo oo la gaaray waqtigii uu cadaaladda hortegi lahaa.
Faarax Macalina yaa sheegay in wax kasta oo dhaca ay dhammaad leeyihiin, qofka markii uu mas’uuliyad hayo aan miisaamin falalkiisa inuu dib uga shalaayi doono marka xilka laga qaado, isagoo ula jeeday Geb. Gabre oo uu ku tilmaamay Kawaanlihii dadka ku laayay magaalada Muqdisho.
“Kawaanlaha Tigreega ah ee Muqdisho Gen. Gabre wuxuu maanta raadinayaa meel uu isku qariyo. ma jirto meel uu isku qarin karo.. waa waqtigii uu cadaaladda shaqeyn lahayd..” ayuu yiri Faarax Macalin oo ka mida siyaasiyiinta sida weyn uga horjeeda siyaasadda Itoobiya ee Tigreegu hoggaamiyo.
IGAD ayaa xilkii hayey Gen. Gabre ka eriday kadib qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin, taasoo ay si weyn u soo dhoweeyeen dadka Soomaalida ah.