Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, siyaasiga Soomaalida Kenya ee sida weyn u taageera madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Faarax Macalin ayaa sheegay in Kenya ay ciidamadeeda u geysay Soomaaliya in Kenyaanka ay helaan nabadgelyo, laakiin maanta ay Kenya ka xasilooni liidato, kana xun tahay 11 sano ka hor markii ay ciidamada Kenya faragelinta ku sameeyeen Soomaaliya.
“Ciidamada Kenya ka soo saara Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan… waxaan ciidamadeena u geynay Soomaaliya inaan ammaan ku helno… Maanta waxay nabadgelyadeena ka xun tahay 11 sano ka hor.. Ciidamadeena waa inay difaacaan ardaydeena, macalimiinteena, hay’adaha dowladda ee gudaha Kenya ee ma aha inay ka ganacsadaan Dhuxusaha iyo Sonkorta Soomaaliya…” ayuu yiri Faarax Macalin oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada.
Arrintan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyadoo adeegsaneysa ciidamadeeda ka midka ah AMISOM.