Siyaasiga reer Kenya ee kasoo jeeda Gobolka Soomaalida ee W/Bari oo hadda mucaarad ku ah dowladda Uhuru Kenyatta Faarax Macallin Dawaarre ayaa sheegay inay muuqato digniin sanad ka hor uu soo saaray, ayna Kenya noqotay dal ay ka haajirana maalqabeennada Soomaaliya.
Faarax Macalin ayaa ku dooday in siyaasadda arrimaha dibadda dowladda Kenya hadda ku dhqanto ay keentay in Ganactada iyo Maalqabeennada Soomaalida u wareegeen hadda dalalka Itoobiya iyo Turkiga, halkaasoo ay u weeciyeen dhaqaalahooda oo ay kala baxayaan dalka Kenya.
“Sanad ka hor ayaan ka digay saameynta xun ee siyaasadda arrimaha dibadda Kenya ku yeelan karto dhaqaalaha dalka. Hay’adihii caalamiga ahaa waxay shirarkooda ku saabsan Soomaaliya ku wareejiyeen magaalada Adis ababa. Dadka Baasaboorka Soomaalida wata fiisooyin ka helaan Garoonka Addis ababa, waxaana jira duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Addis ababa u kala socda..” ayuu yiri Faarax Macalin oo hoteelada Addis ababa ay buux dhaafeen.
Siyaasiga Faarax Macalin oo si gaara taageero ugu ah Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri; “”150,000 qoys oo Soomaali ah oo ka yimid Qurbaha ayaa deganaansho rasmi ah ka helay dalka Turkiga, waxayna ka iibsadeen guryo. Waxaana sii badanaya Soomaalida degeysa Turkiga, waxay sharciga deganaanshaha ku helaan muddo isbuuc ah.. Guryaha waaweyn ee Kenya xilligan dhulka ayey galeen.. dhaqaaluhuna waa sii hoobanayaa..”.