Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, May 24
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Faarax Sheekh C/qaadir oo kala dooranaya jagooyinka Ra’iisal wasaare ku xigeen ama Gudoomiye ku xigeen Baarlamaan (Xog qorshe cusub)

    Faarax Sheekh C/qaadir oo kala dooranaya jagooyinka Ra’iisal wasaare ku xigeen ama Gudoomiye ku xigeen Baarlamaan (Xog qorshe cusub)

    December 18, 20142 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    MUDANE FAARAX SHEEKH C/QAADIR
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faarax Sheekh C/qaadir oo ah saaxiibka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, soona qabtay xilalka wasiirada Garsoorka iyo Dastuurka ayaa la sheegay inuu kala dooranayo xilkii uu ka qaadan lahaa 2-sano ee soo socota dowladda Federaalka kadib laba sano oo uu ku bixiyay wasiirnimo iyo ololeyaal lagu riday laba Ra’iisal wasaare.

    MUDANE FAARAX SHEEKH C/QAADIR
    MUDANE FAARAX SHEEKH C/QAADIR

    Warar ku dhodhow kooxda madaxweynaha ayaa sheegaya in Faarax Sheekh C/qaadir go’aan ka gaari doono laba jago tii uu ka qaadan lahaa xukuumadda cusub ama Baarlamaanka, kuwaasoo kala ah:

    1. WASIIRKA GARSOORKA IYO ARRIMAHA DIINTA, AHNA RA’IISAL WASAARE KU XIGEEN

    Jagadan oo markii hore lagula taliyay inuu saaxiibada madaxweynaha u qabto, waxaa ujeedku yahay inuu howsha ra’iisal wasaaraha la wareego, kana maamulo daaha gadaashiisa, laakiin waxaa arrintan culeys ku keenaya iyadoo la sameynayo saddex Ra’iisal wasaare ku xigeen. jagadan waa mid qorsheysan oo ay door bidayaan saaxiibada madaxweynaha.

    2. GUDDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA

    Jagadan waa tan labaad ee Faarax Sheekh C/qaadir qorsheynayo inuu qabto, waxayna ku xiran tahay Jeylaani Nuur Iikar oo hadda haya xilkan, waxaa loogu bedeli doonaa jago wasiir isagoo iska casili doona jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, sidoo kale waxaa loogu dari doonaa sida qorshuhu yahay Nus Milyan Doolar.

    Qorshahan wuxuu khalkhal gelin karaa Baarlamaanka, waxaana dhici karta in Beesha Shanaad iyo xildhibaanada ku kacsan Madaxweynaha iyo Faarax ay si weyn uga hor yimaadaan, waxayna u badan tahay in arrintaan ku adag tahay oo ay dib ugu dhigi doonaan ilaa dhammaadka 2015 markaas oo si weyn kooxdu ugu baahan tahay inay guddoonka Baarlamaanka awood ku yeelato.

    Arrimahan oo dhami waxay kala caddaan doonaan marka la guda galo Magacaabidda xukuumadda cusub oo qeyb ka mida la sii qoray, waxaana la saadaalinayaa inuu xukuumadda ku soo laaban doono Faarax Sheekh C/qaadir isagoo ka awood badan sidii hore.

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Faarax Sheekh C/qaadir Qorshe sir ah
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo beri Kismaayo u tegaya xiisad ka dhalatay Ra’iisal wasaaraha cusub (Xog)
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar qura jebiyay Dastuurka iyo heshiis dowladiisa la gashay Axmed Madoobe (Xog culus)

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    WARARKII MAANTA

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

    February 10, 2025

    Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

    December 14, 2024

    Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

    December 10, 2024

    Wadani Online wuxuu hiigsanayaa in la helo Warbaahin horumarsan oo la jaan qaadi karta dhigeeda goboleed iyo caalamka.
    Ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa hirgelinta Wadani.com waa in la helo Warbaahin ku howlgaleysa habka loo yaqaan Saxaafadda dabagalka (Investigative Journalism)

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo