Baarlamaanka Kenya ayaa baaritaan ku bilaabay fadeexad kasoo shaac baxday dhismaha Derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya, kadib markii lacag aan yareyn la sheegay in lagu dhisay.
Dowladda Kenya ayaa dhismaha Derbiga bilowday sanadkii 2015, kaasoo gaaraya 700 km, balse markii dhismaha Derbiga waxaa loo badelay Silig, waxaana 10 Km oo silligaasi iyo shub lagu xiray ku baxday Lacag dhan Sh3.3 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta 35 milyan oo doolar, sida ay sheegtay warbixin la hor geeyay Baarlamaanka Kenya.
Marka la isbarbar dhigo lacagta baxday iyo masaafaha siliga ah ee la dhisay, waxay u muuqataa in 1km oo kasta lagu dhisay 300 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 3 milyan oo doolar.
Warbixinta ayaa si weyn uga careysiiyay xildhibaannada baarlamaanka oo hadda bilaabay baaritaan ku saabsan qaabka loo maamulay , iyadoo la sheegay in musuq xoog leh uu dhacay, lacago badanna lagu lunsaday dhismaha Derbiga.
Iyadoo ay dood ka taagneyd sida Derbigaasi u celin karo Alshabab ayaa haddana Baarlamaanka Kenya wuxuu aaminsan yahay in saraakiisha dowladda ay ka faa’iideysteen halista la xiriirta Al-Shabaab, si ay u boobaan dhaqaalaha dowladda.