Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sharciyada»FADEEXAD: Markab dowladda Soomaaliya sheegtay in sharci darro lagu qabtay oo si qarsoodi ah loo fasaxay

    FADEEXAD: Markab dowladda Soomaaliya sheegtay in sharci darro lagu qabtay oo si qarsoodi ah loo fasaxay

    January 18, 2015Updated:February 3, 20153 Mins Read Sharciyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii Bishan shaaca ka qaaday inay qabatay Markab si sharci darro ah uga kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya, siiba meel aan ka fogeyn Magaalada Muqdisho, markabkaas oo sahaydu ka go’aday ayaa ku soo xirtay dekadda Muqdisho si uu sahay uga qaato. Xaalada markabka waxaa ka war helay dowladda oo xayirtay  markabkan, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Agaasimaga Guud ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka dalka mudane Axmed Maxamed.

    MARKAB

    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka dalka ayaa intaasi ku daray inay  Markabka  saarnaayeen shaqaale gaaraya 37 iyo 130-tan oo kalluun ah. Kaluunka saaran markabka ayuu agaasimuhu qiimihiisu ku qiyaasay 1.7 Milyan oo Doolar. Agaasimaha iyo xeer ilaaliyaha ayaa booqday markabka wuxuuna sheegay in Maxkamad la soo taagi doono, dowladuna la wareegtay kaluunkii saarnaa.

    Codka Agaasimaha ayaad iminkaba ka dhageysaneysaan boggan isagoo faahfaahinaya markabka arrintiisa.

    http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/01/Markab-kaluumeysi.mp3

     

    HADDABA MARKABKII  HALKEE KU DANBEEYAY MAXAASE XAALKIISA KA SOO KORDHAY?

    Wadani.com waxay soo xaqiijisay in markabkii la sii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la keenin, saxaafadna loo soo bandhigin wixii keenay in la fasaxo, isla markaana aan wax war ahi ka soo bixin wasaaradii howshan qaabilsaneyd iyo Xeer ilaalinta amarka soo saartay!!!!.

    Markabka oo lagu magacaabo Amal Amiira lagana lahaa dalka Yeman, waxaa saarnaa shaqaale gaaraya 37 ruux oo 4 kamida ay Kenyaati tahay inta kalena Filibiin iyo Asian Shaqaaalaha dekadda waxay noo sheegeen in Markabka oo xayiran ayna saaran yihiin askar ilaalo ah, amar kale ka soo baxay hay’adihii markii horeba heystay, sarkaalka Turkiga ah ee Dekaddana uu amar ku bixiyay in la fasaxo markabka sidaasina uga furta dekadda. Waxaa xusid mudan markaas ka hor in shixnadii kalluunka  ahayd ee markabka lagu qabtay lagu wareejiyay markab kale.

    Warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in markabka fasixiisa laga amray madaxtooyada isla markaana u jiro heshiis hoose oo dhaqaale lagu bixiyay, taasi oo haddii ay jirto noqon doonta fadeexad kale oo dowladda Soomaaliya lugaha la gashay. Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan halka la mariyay markabkii ay dowladu ku faantay inay maxkamad soo taageyso.

    Waxaa jawaab looga fadhiyaa Wasaaradda  Kaluumeysiga, siiba agaasimahii guud ee warkan umadda u sheegay iyo xeer ilaalinta inay shacabka u caddeeyeen halkii Markabkaasi ku danbeeyay, sidoo kale waxaa saxaafada Muqdisho saaran waajib weyn oo ah inay daba galaan arrimahan oo kale si ay umadda ugu soo bandhigaan waxa ka dhacaya dalka, waxaa kaloo mas’uuliyadda koowaad ka saaran tahay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

    Wadani.com waxay ku dhex jirtaa weli baaritaanka oo aanu a kaashan doono jihooyin badan.

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Dekadda Mqdisho Markab lagu qabtay oo la fasaxay
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIsbaheysiga Madasha oo soo dhoweeyay kala diristii Xukuumadii Cumar C/rashiid
    Next Article Xildhibaano ka digay in xukuumad noocii hore oo kale ah la soo dhiso “Warsaxaafadeed”

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

    September 13, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo