Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»WARBIXIN XASAASI AH: Fadeexadii Markabka laga sii daayay dekadda Muqdisho oo lugaha la gashay Madaxtooyada

    WARBIXIN XASAASI AH: Fadeexadii Markabka laga sii daayay dekadda Muqdisho oo lugaha la gashay Madaxtooyada

    January 22, 2015Updated:January 22, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Markabkii Kaluumeysi ee laga lahaa dalka Yeman dhowaana laga sii daayay Dekadda Muqdisho kadib markii la sheegay in sharci darro lagu qabtay ayaa hareeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo fadeexadu cirka isku shareereyso.

    Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa caddeysay in Markabka arrintiisa ay ka war heysay ayna ku daba jirtay iyado warbixin ka heshay dhinacyo kal duwan, waxayna wasaaradu ku dooday inuu si sharci darro ah Markabku ugu soo xirtay Dekadda Muqdisho kadib markii ay sahaydu ka go’day.

    Wasaaradu waxay intaas ku dartay in ku soo xirashada dekadda si sharci darro ah ay caadiyan keento ganaax dhan 400,000 doolar. Wasaaradda oo Markabka baaritaan ku sameysay ayaa shaacisay inay Markabka saaran yihiin 130 Tan oo Kalluun qaali ah, waxayna qiimaha kalluunkaasi ku qiyaastay ku dhowaad 2 Milyan ee Doolar.

    MARKAB

    Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo markabka u xayiran yahay kiiskiisana gacanta ku heyso ayay la wadaagtay xeer ilaalinta si dacwad loogu soo oogo Markabka; Laakiin waxaa dhacday in la sii daayo Markabkii, waxaana la sheegay in Maxkamada Gobolka Banaadir ay sii deysay Markabka iyadoo sheegeysa inuu si sharci ah ugu soo xirtay Dekadda, lana sii daayay.

    Akhri warkii ugu horeeyay ee Wadani.com ku soo bandhigtay Fadeexada sii deynta Markabkani

    Akhri warbixintii arrinta Markabka ee Hanti dhowrka guud ka jeediyay Baarlamaanka 

    Akhri hanjabaadii Hantidhowrka guud iyo tacadigii ay kula kaceen ilaalada madaxtooyada

    Arrintan waxaa maanta looga dooday kulankii Golaha wasiirada ee xilka sii haya iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana dood iyo fadeexad weyni ka dhalatay qaabka loo daayay Markabka iyo cidda Maxkamadda Gobolka Banaadir soo geliyay. Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay inaysan waxba kala socon arrintaasi.

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa isaga la sheegay inuu ka war hayo sii deynta Markabka, halka Hanti dhowrka guud uu ku baaqay Baarlamaankana ka codsaday inay arrintaasi soo dhex galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan.

    Fadeexadan ayaa u muuqata inay saameyn weyn ku yeelan doonto xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo hadda u muuqda inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa, waxayna tijaabo u noqon doontaa in xafiiskaasi Qaranka u shaqeeyo oo daacad ka tahay in sharcigu sareeyo iyo in kale.

    Arrinta Markabka oo fadeexad weyn isu bedeleysa waxaa ku cadcad Wasaaradda Kalluumeysiga oo documentiyo caddeyn ah ka heysta Markabka. Hanti dhowrka guud oo Baarlamaanka gaarsiiyay arrinta kuna balan qaaday inuu gacan ka siin doono ka sal gaarida arrintan.

    Waxaa dhinaca kale kasoo jeeda Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta iyadoo cidda ka sii danbeysa ee arrintan oo dhan gadaal ka maleegeysa ay soo bixi doonto marka arrintu baaritaanka la guda galo.

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa si caga jiid ah guddi u saaray arrintan inay ka soo talo bixiyaan oo ay baaraan. Waxaa iska cad in arrintani runteeda laga sal gaari doono haddii aanay dhicin in xafiis sare oo awood badan soo fara geliyo.

    Wareysi uu Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir siiyay VOA  ayuu si cad ugu sheegay in Markabka aanay cidna soo qaban oo dekadda iskiis ugu soo xirtay, wuxuuna ku dooday inuu fasax ka heysto Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ah inuu kallluunka ka soo hara kaluumeysatada Soomaaliyeed uu iib geeyo, wuxuu intaas ku daray in markabka ay isla leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isagoo ku celceliyay inuusan ahayn Markab Kalluumeysi.

    Dooda Xeer ilaaliyaha ayaa huwan awood ka weyn iyadoo la ogyahay inuu keenay Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir taageerana ka heysto Madaxweynaha, waxaadna moodaa in cadaalada iyo musuq la dirirka kooxdani uu yahay indha sarcaad xaqiiqadiisa laga daba tegay.

    Wadani.com
    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Fadeexad Markab Hanti dhowr Xeer ilaaliye
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin qaraxii ismiidaaminta & madaxweynaha Turkiga xaqiijiyay inuu tegayo Muqdisho
    Next Article Madaxweynayaasha Somaliya iyo Turkiga oo la filayo inay ka qeybgalaan aaska Boqor Cabdalla

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo