Markabkii Kaluumeysi ee laga lahaa dalka Yeman dhowaana laga sii daayay Dekadda Muqdisho kadib markii la sheegay in sharci darro lagu qabtay ayaa hareeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo fadeexadu cirka isku shareereyso.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa caddeysay in Markabka arrintiisa ay ka war heysay ayna ku daba jirtay iyado warbixin ka heshay dhinacyo kal duwan, waxayna wasaaradu ku dooday inuu si sharci darro ah Markabku ugu soo xirtay Dekadda Muqdisho kadib markii ay sahaydu ka go’day.
Wasaaradu waxay intaas ku dartay in ku soo xirashada dekadda si sharci darro ah ay caadiyan keento ganaax dhan 400,000 doolar. Wasaaradda oo Markabka baaritaan ku sameysay ayaa shaacisay inay Markabka saaran yihiin 130 Tan oo Kalluun qaali ah, waxayna qiimaha kalluunkaasi ku qiyaastay ku dhowaad 2 Milyan ee Doolar.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo markabka u xayiran yahay kiiskiisana gacanta ku heyso ayay la wadaagtay xeer ilaalinta si dacwad loogu soo oogo Markabka; Laakiin waxaa dhacday in la sii daayo Markabkii, waxaana la sheegay in Maxkamada Gobolka Banaadir ay sii deysay Markabka iyadoo sheegeysa inuu si sharci ah ugu soo xirtay Dekadda, lana sii daayay.
Akhri warkii ugu horeeyay ee Goobjooge.com ku soo bandhigtay Fadeexada sii deynta Markabkani
Akhri warbixintii arrinta Markabka ee Hanti dhowrka guud ka jeediyay Baarlamaanka
Akhri hanjabaadii Hantidhowrka guud iyo tacadigii ay kula kaceen ilaalada madaxtooyada
Arrintan waxaa maanta looga dooday kulankii Golaha wasiirada ee xilka sii haya iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana dood iyo fadeexad weyni ka dhalatay qaabka loo daayay Markabka iyo cidda Maxkamadda Gobolka Banaadir soo geliyay. Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay inaysan waxba kala socon arrintaasi.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa isaga la sheegay inuu ka war hayo sii deynta Markabka, halka Hanti dhowrka guud uu ku baaqay Baarlamaankana ka codsaday inay arrintaasi soo dhex galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan.
Fadeexadan ayaa u muuqata inay saameyn weyn ku yeelan doonto xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo hadda u muuqda inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa, waxayna tijaabo u noqon doontaa in xafiiskaasi Qaranka u shaqeeyo oo daacad ka tahay in sharcigu sareeyo iyo in kale.
Arrinta Markabka oo fadeexad weyn isu bedeleysa waxaa ku cadcad Wasaaradda Kalluumeysiga oo documentiyo caddeyn ah ka heysta Markabka. Hanti dhowrka guud oo Baarlamaanka gaarsiiyay arrinta kuna balan qaaday inuu gacan ka siin doono ka sal gaarida arrintan.
Waxaa dhinaca kale kasoo jeeda Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta iyadoo cidda ka sii danbeysa ee arrintan oo dhan gadaal ka maleegeysa ay soo bixi doonto marka arrintu baaritaanka la guda galo.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa si caga jiid ah guddi u saaray arrintan inay ka soo talo bixiyaan oo ay baaraan. Waxaa iska cad in arrintani runteeda laga sal gaari doono haddii aanay dhicin in xafiis sare oo awood badan soo fara geliyo.
Wareysi uu Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir siiyay VOA ayuu si cad ugu sheegay in Markabka aanay cidna soo qaban oo dekadda iskiis ugu soo xirtay, wuxuuna ku dooday inuu fasax ka heysto Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ah inuu kallluunka ka soo hara kaluumeysatada Soomaaliyeed uu iib geeyo, wuxuu intaas ku daray in markabka ay isla leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isagoo ku celceliyay inuusan ahayn Markab Kalluumeysi.
Dooda Xeer ilaaliyaha ayaa huwan awood ka weyn iyadoo la ogyahay inuu keenay Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir taageerana ka heysto Madaxweynaha, waxaadna moodaa in cadaalada iyo musuq la dirirka kooxdani uu yahay indha sarcaad xaqiiqadiisa laga daba tegay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]