Dabley hubeysan ayaa xalay fal-naxdin leh ka geysatay xaafadda Zona Key ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir, markii ay saqdii dhexe Gurigiisa ku weerarreen kuna gowraceen wiil dhalinyarro.
Wiilka la gowracay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdulle Axmed, kaasoo aan la ogeyn sababta loo dilay, waxayse dadka degaanka sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarrada ugu firfircoon xaafadaasi, isagoo ku howlanaa xuska dhalashada Nebiga NNKH ee Mowliidka loo yaqaan.
Marxuumka Axmed Cabdulle ayaa da’diisa lagu qiyaasay ilaa 28 sano jir, wuxuuna ahaa wadaad barta Cilmiga diiniga, iyadoo aan ilaa imimka la ogeyn sababta ka danbeysa dilkiisa iyo cidda geysatay.
Meydka Marxuumka ayaa la geeyay Xarunta dambi baarista ee Booliska ee magaalada Muqdisho, iyadoola bilaabay baaritaanka falkan naxdinta leh.