Akhriso jawaabaha ay bixiyeen Madax Sare, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin hore iyo xildhibaanno
Falcelin aan hore loo arag oo soo dhoweyn, bogaadin iyo dhibco siyaasadeed ayaa ka dhalatay go’aanka ay maanta soo saareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Xilgaarsiinta oo lagu jebiyay go’aankii xukuumadii hore ay ururka ONLF ugu aqoonsadeen urur argagxiso iyo dhiibistii dowladda Itoobiya loo gudbiyey Col. C/kariin Qalbi Dhagax.
Kadib markii uu soo baxay go’aanka Golaha wasiirada, waxaa baraha bulshada is-qabsaday soo dhoweynta go’aanka, iyadoo dadka qaarkiis ay ku ekaadaan bogaadin, qaar kale u adeegsadeen weerar ay ku qaadaan madax hore iyo dhibco siyaasadeed.
Jawaabaha soo socda waa qaar ka mida kuwii aanu soo ururinay:
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuuud: “In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah.Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada”.
Madaxweynihii hore Shariif Seheekh Axmed: “Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed“
Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali: “Waxan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagaxx. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Well done PM Mohamed H .Roble”
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso. Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.”
Wasiir hore Maryan Qaasim: “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Prime minister Rooble oo go’aan gobanimo qaatay. Guulayso Mudane RW. Xaqi baa soo daahiray eebbow mahadaa.”
Wasiir hore Jubbaland Adan Aw-Xersi: “Kani waa go’aan taariikhi ah. Run ahaantii, waa bar madow oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga fujiyey. Qaarkiin baa la gole iman doona “dan siyaasadeed ayaa go’aankan laga leeyahay.” Waxaan kuwaa ku leennahay “yeelko.” Boqol danood ha laga lahaado haddii la doono.”
Xildhibaan C/raxmaan Odowaa: “Waan u hambalyaynayaa Raiiusul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo golihiisa wasiiradda goaanka sharaf soo celinta ah ee ay maanta qaateen oo ay ku raali galiyeen Qalbi Dhagax , ONLF na uga saareen liiskii gardarada loogu daray. (رد الاعتبار).“
Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame: “Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.”
Musharax Jibriil Ibrahim Cabdulle: ” Waxan si buuxda u soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee looga noqday ficilkii foosha xumaa ee Ururka ONLF laguna yiri waa argagixiso & raali-gelinta laga bixiyey dhiibista C/karin Qalbi-dhagax. Go’aankaasi wuxuu ahaa mid Ummadda Soomaaliyeed lagu bahdilayay Somalia”
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad: “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Golihiisa Wasiirada in ay ka laabteen go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey. Waxay ahayd bar-madow oo ku suntaneed dadka iyo dowladnimada Soomaaliya.”
Wasiirkii hore DF Somaliya Cabdi Faarax Juxa: “Hambalyo RW Rooble iyo golihiisa Xukuumadda oo ka laabtay go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey.Tani waxay tareenka siyaasadda si buuxda uga tuuraysaa FARMAJO iyo KHAYRRE oo khiyaanadan Aabbe iyo Hooyo u ah.”
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi: “Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka furayaan halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigayaa qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah.”
